Dawlada Talyaaniga Oo War Cusub Oo Rasmi Ah Ka Soo Saartay Horyaalka Serie A Iyo Waqtiga Kulamada La Bilaabayo.

Dawlada Talyaaniga ayaa war rasmi ah ka soo saartay waxa uga hadhsan in dib loo bilaabo kulamadii horyaalka Serie A ka hadhsanaa waxaana hadda la shaaciyay in faah faahintii ugu danbaysay ee dib u bilaabashada xili ciyaareedka lagu jiro.

Dawlada Italy ayaa shaacisay in wax yar laga badalayo hanaankii caafimaad ee xidhiidhka kubbada cagta Talyaaniga ee FIGC si loo waafajiyo taxadarka dheeraadka ah ee laga samaynayo kulamada Serie A marka dib loo bilaabo.

Waxaa la shaaciyay in qorshuhu yahay in May 18 dib loo bilaabo kulamada Serie A waxayna dawlada Italy shaacisay in hadda ay ku jiraan isbadal yar oo lagu samaynayo hanaanka caafimaad ee sharcigii hore ee FIGC.

Marka isbadalka yar ee hanaaka caafimaad ee xidhiidhka kubbada cagta Talyaaniga la sameeyo waxay kooxaha iyo maamulada kubbada cagta Italy diyaar u noqon karaan in May 18 kulamada Serie A la bilaabi doono.

Wasiirka caafimaadka Talyaaniga ee Vincenzo Spadafora iyo Roberto Speranza oo shir jaraa’id wada qabtay ayaa si rasmi ah u shaaciyay maalinta isniinta soo socota ay dhamaan kooxaha Serie A dib u bilaabi doonaan tababarka buuxa oo ah mid sidii caadiga ahayd ay kooxda oo dhami hal goob ugu tababaran doonto.

Wasiirka ciyaaraha Italy ee Vincenzo Spadafora ayaa ku dhawaaqay in guddida Saynisyahanadu ay soo saareen go’aankooda kadib markii ay dawladu ka codsatay hanaanka caafimaad ee la raacayo waxayna hadda isku raaceen in isniinta ay kooxuhu si buuxda tababarka u qaadan doonaan.

Kooxaha Seire A ayaa May 18 si rasmi ah ogolaansho ugu helay in ay dib u bilaaban karaan in garoomada tababarka ay si buuxda ugu shaqayn karaan si ay u meel mariyaan taatikooyinka iyo tababarka buuxa ee xili ciyaareedka dib loogu bilaabayo.

Go’aankan rasmiga ah ee ay dawlada Talyaanigu ku shaacisay in May 18 ay kooxuhu dib u bilaabanayaan diyaar garowga buuxda ee kulamada Serie A ayaa ku socda qaabkii ugu fiicnaa ee ay kooxuhu ku gaadhi lahaayeen in xili ciyaareedka kulamadiisa ugu horeeya la bilaabo May 27 ilaa June 2.

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook