David Silva Oo Ka Hadlay Kooxda Uu Ku Biiri Doono Kadib Marka Uu Dhamaado Heshiiskiisa Manchester City, Iyo Sababta Uu Sidaas U Sameenayo.

Laacibka khadka dhexe kooxda Manchester City iyo xulka qaranka Spain ee David Silva ayaa xaqiijiyay inuu doonayo inuu dib ugu laabto dalkiisa hooyo, kadib markii uu dhamaado heshiiska uu ku joogo Etihad Stadium, taasoo soco neysa ilaa 2020ka.

David Silva wuxuu sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Las Palmas ee dalkiisa hooyo, si uu wiilkiisa ugu noolaado nolal la mid ah tiisa oo kale, isla markaana uu ku barbaaro mid ka mid ah kooxaha halkaas ka dhisan.

Xidiga khadka dhexe kooxda Manchester City ayaa wareysi uu dhawaan bixiyay wuxuu ku sheegay: “Waxaan doonayaa inuu ku barbaaro halkii aan ku soo barbaaray, waxaan rajeenayaa inuu yeesho, fursadii aan helay oo kale, hadii uu qeyb kasoo noqdo kubada cagta waan caawin doonaa”.

David Silva ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Waxaan u sii ciyaari doonaa kooxda Manchester City laba xili ciyaareed kale, waana inta ka harsan heshiiska aan ku joogo Etihad Stadium, intaas kadib ma garanayo waxa dhici doona, laakiin waxay ku xirnaan doontaa waxa aan dareemayo jidh ahaan iyo caqli ahaan intaba”.

Laacibka reer Spin ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Mar walba waxaan sheegaa inaan doonayo u ciyaarista kooxda Las Palmas, laakiin waxaan arki doonaa sida ay wax u socdaan labada sanno ee soo socda”.

Si kastaba David Silva ayaa ayay jamaahiirta dalka England u sharaxeen inuu yahay laacibkii ugu fiicnaa taariikhda ee reer Spain horyaalka Premier League, sababa la xidhiidha guulihii waaweynaa uu la gaaray kooxda Manchester City tan iyo markii uu yimid sanadii 2010.