David De Gea Oo Go’aanka Mustaqbalkiisa La Wadaagay Asxaabtiisa, Haddii Uu Qalbi Jab Ku Riday Jamaahiirta Man United & Fursada Juventus U Haysato Saxeexiisa.

Goolhayaha xulka qaranka Spain ee David De Gea ayaa lagu soo warramayaa inuu asxaabtiisa ku dhaw dhaw la wadaagay go’aanka mustaqbalkiisa Man United & haddii uu doonayo inuu qandaraaska cusub ee kooxdu ka doonayso uu saxeexo.

Heshiiska haatan ee David uu ku joogo masraxa riyada ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana ay haatanba kooxdiisu usoo bandhigtay heshiis uu mushahar ahaan toddobaadkii u qaadanayo £350,000.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, De Gea ayaa asxaabtiisa u sheegay inuu doonayo inuu iska diido dalabkaas cusub waxaana intaas dheer in asxaabtiisa xulka Spain ee uu haatan la joogo ay qabaan inuu qandaraaskiisa dhammaysanayo.

Sida la ogyahay De Gea ayaa heshiis hordhac ah la gaadhay kooxdiisa gudaha suuqii xagaagan balse wali wax heshiis rasmiya ayaan qalinka lagu duugin.

Sharciga ayaa ah mid kooxaha ka baxsan England u ogolaanaya inuu De Gea la xaajoodo sanadka cusub iyo wixii ka dambeeya waana war farxad u ah kooxaha ka baxsan Premier League ee xiisaynaya.

Wargeyska Express Sport ayaa sheegaya in kooxda ree Talyaani ee Juventus ay doonayso inay wada xaajood la furto De Gea bisha January haddii aan inta ka horaysa wax is af-garad ah lagu gaadhin Old Trafford.

Bianconeri ayaan wax sir ah ka dhigin xiisaha De Gea oo ay u arkaan midka booska koowaad ee goolka kooxda ka bedelaya goolhayaha haatan ee Wojciech Szczesny.

Ugu dambayn, PSG ayaa sidoo kale ahayd koox doonaysay saxeexa xiddigii hore ee Atletico Madrid balse inay dhawaan la saxeexdeen Keylor Navas ayaa ka dhigan inay maarmeen.