Dareenkiisa Ku Aadan Nasiibka Uu U Yeeshay Ka Garab Ciyaaristiisa Xidigaha Ronaldo, Messi Iyo Neymar, Kooxda Kaliya Uusan Heshiis La Gaadhi Doonin Rjada Ay Ka Qabaan Ku Guuleysiga Champions League-ga & Dhowr Arimood Uu Ka Hadlay Angel de María.

Xidiga reer Argentina iyo kooxda Paris Saint Germain Angel de María ayaa wuxuu kasoo muuqday wareysi uu siiyay wargeyska “SO FOOT” ee dalka France waxayna arintan imaanaysaa kahor kulanka ay caawa booqan doonaan garoonka Santiago Bernabeu si ay Real Madrid kula ciyaaraan lugta 1-aad ee wareega 16-ka tartanka Champions League-ga, wuxuuna wareysigan sidoo kale kaga hadlay dhowr arimood kale oo ay ka mid tahay inuu ku riyoonayo xidhashada maaliyada kooxda Barcelona, inkastoo uu horey ugu soo ciyaaray Real Madrid inta u dhaxeysay 2010 ilaa iyo 2014, iyadoo ay sidoo kale intaasi sii dheer tahay in xili ciyaareedkii lasoo dhaafay si xoogan lala xidhiidhinayay inuu u dhaqaaqi doono garoonka Cump Nou.

Angel de María ayaa waxaa ugu horeen wax laga weydiiyay guuldaradii 6-1 ahayd ee kasoo gaadhay Barcelona wuxuuna yidhi: “Natiijada kulankan ayaa ah mid xiliyo kooban lagu dhex arko kubada cagta, wuxuu ahaa kulan layaab badan, waxaa ii cadaatay in wax walbo lagu dhex arki karo kubada cagta, waayo arag-nimo badan ayaan ka dhaxalnay guuldaradii naga soo gaadhay,  waxa kaliyaa aan haatan eeganeyna ayaa ah inaan horey u sii socono, sababtoo ah PSG waxay xili ciyaareedkan ka wanaagsan in badan kii lasoo dhaafay”.

Khilaafka Neymar iyo Cavani? Wuxuuna yidhi: “Ma ahan dhacdo markale soo laaban doonto, wax mico na ma sameeneyso in aan xili kasta ka hadalno arintan, waxa kaliya ee aan dhihi karo ayaa ah in Neymar Jr uu shaqo adag ka qabtay halkan isla markaanna wuxuu jawiga kooxda PSG u dhigay dhinaca kale, sababtoo ah waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican” dunida”.

In PSG ay jeclaan lahayd ku guuleysiga tartanka Champions League-ga? wuxuu yidhi: “Waan ognahay inaan heysano wax walba oo aan ug guuleysan karno tartankan, waana bar-tilmaameedkeena koowaad ee xili ciyaareedkan, laakiin waan ka war qabnaa in loolanka aanu kali ku ahayn, sababtoo ah waxaa tartankan qeyb ka ah kooxo fara badan oo si xoogan u doonaya inay ku guuleystaan”.

Suurtagalnimada uu ugu biirayo kooxda Barcelona inkastoo uu horey u soo xidhay Maaliyada Real Madrid wuxuuna yidhi: “Xiriirka aan la lahaa Real Madrid waa uu dhamaaday, iguma noqon doonto dhibaato hadii aan ku biiro kooxda Barcelona, saboobtoo ah kooxda kaliya ee aan heshiis la gaari doonin ayaa ah Newell’s Old Boys, maadaama aan ka mid ahay taageerayaasha kooxda Rosario Central”.

Dareenkiisa ku aadan inuu ka garab ciyaaray xidigaha Messi, Ronaldo iyo Neymar ayaa wuxuu yidhi: “Waa saddexdda xidig ugu fiican xiligan kubada cagta, waxayna ii tahay sharaf weyn inaan ka garab ciyaaro, waxaana nasiibkan yeesha ciyaartoy fara ku tiris ah, si ay kaga garaab ciyaaraan saddexdan xidig”.

2 Comments

  1. Uni emry laaciviinta ugu Lacagta badan ayuu heystaa lkn inaw isticmaali waayo maw filee. MCN kaliya kuma filno waa qasab inoow dimaria iyo verrati aw boos siiyaa

Comments are closed.