Danny Welbeck Oo Ka Warbixiyay Dareenkiisa Ku Aadan Koobka Aduunka 2018, Isagoo Dhinaca Kale Ka Hadlay Xaaladihii Adkaa Uu Soo Maray.

Weeraryahanka xulka qaranka England iyo kooxda Arsenal Danny Welbeck ayaa sheegay in uu maskax ahaan ka xoog badan yahay, kadib dhaawacii kasoo gaaray dhanka jilibka ah kaasoo ku seegay tartankii Euro 2016, isagoo dhanka kale rajeeyay 27 jirkan in uu si xoogan diirada u saaro koobka aduunka ee 2018 ka dhici doono dalka Russia bisha soo aadan.

Danny Welbeck ayaa wuxuu garoomada ka maqnaa mudo dhan 8 bilood, kadib markii uu maray qaliin dhanka jilibka ah, balse weeraryahanka kooxda Arsenal ayaa wuxuu nasiib u yeeshay inuu qeyb ka noqdo liiska xidiga Gareth Southgate uu kala qeyb gali doono koobka aduunka ee 2018.

Welbeck ayaa ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta England wuxuu ugu horeyn kaga warbixiyay: “Waxaan ka carreysnaa sababa la xidhiidha inaan seegay tartankii ugu dambeeyay sababa la xidhiidha dhaawac”.

Weeraryahanka kooxda Arsenal ayaa wuxuu hadalkiisa intaas kusii daray: “Marka aad haysato dhaawac culus, ma fududa inaad wax ka qabato, waxaad la kulmeysaa xili aad kali tahay isla markaana aadan awoodin inaad caawiso kooxdaada, isla markaana aad ka fogaaneyso waxaad jeceshahay”

Welbeck ayaa sidoo kale sheegay: “Waxaad awoodaa inaad kaga soo kabato qaab maskax ahaaneed, laakiin waa marka aad ka fogaato cadho iyo xanuun sababa la xidhiidha inaadan ciyaarin, isku day in ay arimahan kaa caawin karaan in aad dib u xasuusato waxyaabo aadan haysan”.

Welbeck ayaa dhaliyey 15 gool 37 kulan oo uu u saftay xulka England, wuxuuna hogaaminayaa liisja gooldhaliyaasha ugu badan ee xidigaha haatan qeybta ka ah xulka qaranka England ee ka qeyb galaya koobka aduunka ka dhici doona dalka Russia.

Danny Welbeck ayaa ka sareeya 3 gool dooqa koowaad ee Gareth Southgate ahna weeraryahanka kooxda Tottenham Hotspu ee Harry Kane,wuxuuna doonayaa inuu sii dheereysto gooldhalintiisa kadib fursadaha soo aadan uu ka heli doono tababare Gareth Southgate.