Dani Alves Oo Dharbaaxo Xoogan La Gaadhay Saaxiibkiisii Hore Ee Kooxda Barcelona Ee Gerard Piqué, Kadib Markii Uu Ka Door Biday Sergio Ramos

Difaaca garabka midig reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain Dani Alves ayaa dharbaaxa xoogan la gaadhay saaxiibkiis hore kooxda Barcelona Gerard Piqué iyo xidiga ay isku dalka kasoo wada jeedaan isla markaana ay kawada tirsan yihiin PSG Thiago Silva.

Dani Alves  ayaa labadan difaac Thiago Silva iyo Gerard Piqué kadoor biday Kabtanka kooxda Real Madrid Sergio Ramos wuxuuna sheegay inuu yahay difaaca ugu wanaagsan xiligan kubada cagta.

Xidiga ree Brazil ayaa wuxuu yidhi: “Ramos waa difaaca ugu fiican xiligan aduunka, wuxuu ka ciyaaraa boosas kala duwan ee dhanka difaaca, Los Blancos iyo xulka Spain waa kuwo nasiibkooda uu fiican yahay sababtoo ah waxay heystaan xidig sida Ramos oo kale qaab difaaceedkiisu uu u wanaagsan yahay”.

Alves ayaa hadalkiisa intaa sii raaciyay: “Sergio Ramos wuxuu awoodiisa ciyaareed uu ku muujiyaa kulamada waaweyn ay Real Madrid ka hor imaaneyso kooxaha waaweyn sida Barcelona, wuxuu sameeyaa iska caawin xoogan”.

Difaaca midig ee kooxda PSG ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay: “Waxaan Ramos u hayaa Ixtiraam xoogan, waxaana waxyaabo badan ee aan ku xusuus karo isagu, iya waxa uu ka sameenayo kubada cagta, taasoo ka dhigeysa in qof walba uu ku qasbanaado inuu aqoonsado tayada uu leeyagay laacibkan”.

Comments

comments