DAJISO: UEFA Oo Soo Saartay Taariikhda & Waqtiga La Ciyaari Doono Kulamada UEFA Champions League Ee Kadib Isku Aadkii Tartankan Ee Manaco Lagu Sameeyay.

Maalin mashquul badan ayay u ahayd xidhiidhka kubbada cagta Yurub iyaga oo bixiyay abaal marinaha shaqsiga ah ee ciyaartoydii ugu fiicnayd waxayna sidoo kale sameyeen isku aadka tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League balse sidoo kale UEFA ayaa diyaarisay taariikhda la ciyaari doono dhamaan kulamada heerka Groupyada ee UEFA Champions League ee xili ciyaareedkan.

Kulamada ugu xiisaha badan ee ka soo baxay isku aadkii Champions league waxaa ka mid ah kulanka ay Liverpool la ciyaari doonto kooxda PSG iyo waliba kulanka ay Juventus iyo Manchester United isku haleeli doonaan inkasta oo ay jiraan kulamo badan oo xiiso badani..

Kooxda PSG ayaa tartanka Champions League ku bilaaban doonta kulan ay marti u noqon doonto Liverpool iyada oo Jurgen Klopp iyo colkiisa Reds ay Anfield ku qaabili doonaan kooxda ree France taas oo la micno ah in PSG ay ganaaxa garoonkeeda ee Parc des Princes la kulmi doonto kulanka ay soo dhawayn doonto kooxda Crvena Zvezda markaas oo Parc des Princes qayb ka mid ah la xidhi doono.

Barcelona ayaa ku bilaaban doonta kulan ay Camp Nou ku soo dhawayn doonto kooxda PSV Eindhoven waxayna UEFA shaacisay dhaaman kulamada heerka groupyada Champions League, taariikhda la ciyaari doono iyo waliba waqtiga la ciyaari doono.

Haddaba halkan si buuxda uga dajiso dhamaan kulamada heerka Groupyada Champions League oo dhamaystiran laakiin marka hore waxaad u baahan tahay in computerka ama mobileka aad isticmaalayso uu leeyahay barnaamijka PDF ama uu si toos ah internetka ugu furi karayo.

Halkan Ka Dajiso ama ka Akhriso dhamaan taariikhda iyo waqtiga laciyaari doono kulamada heerka groupyada Champions League oo dhamaystiran:  Champions League Fixtures