NEW VAN DIJK: Real Madrid, Chelsea Mise Juventus? Kooxda Hoggaaminaysa Saxeexa Van Dijk-ka Cusub Ee Barcelona Oo La Ogaaday

Kooxaha Chelsea, Real Madrid, Juventus iyo Inter Milan ayaa lagu soo warramayaa inay dhammaantood xiisaynayaan saxeexa da’yarka Barcelona ee Xavier Mbuyamba sida uu sheegay wakiilka da’yarkani.

Mbuyamba oo ah da’yar dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Holland ayaa bishii August ee lasoo dhaafay Barcelona kaga soo biiray dhinaca kooxda MVV Maastritch balse waxa uu xilli horeba ka fikirayaa mustaqbalkiisa kooxdaas.

Nederlands talent droomt van Barça 1: 'Ineens zat ik naast Messi ...

Wakiilka Mbuyamba oo lagu magacaabo Carlos Barros ayaa sheegay in kooxaha waaweyn ee Yurub ay doonayaan saxeexa 18 sano jirkan isaga oo xusay kooxaha Inter Milan, Juventus iyo xataa Real Madrid balse kooxda tartanka ku gacan sarreysa ku sifeeyay Chelsea.

Barros oo u warramayay il-wareedka Voetbal International ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Ku dhawaad kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa i weydiiyay wax ku saabsan Xavier”

“Real Madrid ayaa sidoo kale halkaas joogta, iyagu waa kuwo xaqiiqo ka ah hanaanka da’yartooda, laakiin dabcan taasi waxay noqon doontaa koox bedelasho xasaasi ah”

“Juventus iyo Inter ayaa xiisaynaya si lamid ah kooxo waaweyn oo Germany iyo England ah, Chelsea ayaa haysata fursadaha ugu fiican, dabcan arrintan waxaanu si balaadhan uga wada hadalnay sanadkii hore”

“Chelsea waxay na siisay bandhig cajiib ah, halkaas waxa ka jira jawi kubadda cagta ah oo khaas ah, waxaad si deg deg ah ula fadhiisanaysaa ciyaartoyda kooxda koowaad marka qadada lagu jiro kooxduna waxa ay Xavier usoo bandhigtay qorshe aad u hammi badan”

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook