DAGAAL: Real Madrid Oo Doonaysa In Ay Barcelona & Kooxaha Yurub Ka Dul Qaado Saxiixa Adrien Rabiot Oo Go’aan Ku Gaadhay In Uu PSG Si Xor Ah Kaga Baxo.

Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda PSG ee Adrien Rabiot ayaa u muuqda mid dagaal wayn ka dhex abuuraya kooxaha Yurub ugu waa wayn kadib markii uu go’aan ku gaadhay in uu dhamaysto qandaraaskiisa Paris isla markaana uu ku biiro kooxda uu doonayo laakiin Real Madrid ayaa xaalada sii kululaysay kadib markii ay diyaarsatay qorshihii ay Barcelona iyo kooxaha Yurub kaga dul qaadi lahayd saxiixa Rabiot.

Maamulka kooxda PSG ayaa si buuxda ugu fashilmay in ay Adrien Rabiot ku qanciyaan in uu kooxdooda heshiis cusub u saxiixo kadib markii suuqii xagaagii la soo dhaafay loo diiday in uu Barcelona ku biiro laakiin hadda waxaa Adrien Rabiot saf ugu jira kooxo badan oo Yurub ah.

Kooxaha Barcelona, Juventus, Real Madrid, Liverpool, Arsenal, Tottenham iyo Inter Milan ayaa dhamaantood doonaya saxiixa Adrien Rabiot laakiin iyada oo la filayay in Barcelona ay tahay kooxda ugu cad cad ee xidigan heli karta, waxaa soo baxay war sheegaya in Real Madrid ay diyaar u tahay in ay dagaal u gasho saxiixa Adrien Rabiot.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in agaasimaha ciyaaraha kooxda PSG uu doonayo in Juventus ama Tottenham ay bisha January ka iibiyaan Adrien Rabiot si aanu ugu biirin kooxaha Barcelona iyo Liverpool oo markii hore ahaa kuwa ugu cad cadaa laakiin Adrien Rabiot ayaa haysta fursad kasta oo uu ku diidi karo waxa ay maamulka kooxdiisu doonayaan.

Maamulka PSG ayaan Adrien Rabiot ku qasbi karin in uu ku biiro koox aanu doonayn maadaama oo uu galay bilihii ugu danbeeyay qandaraaskiisa kooxda wuuxuna bisha January haystaa fursad uu kula xaajoon karo kooxda uu doonayo.

Adrien Rabiot hooyadii iyo wakiilkiisa ayaa haddaba diyaar u ah in ay aqbalaan dalabyada kooxaha waa wayn oo dhan si ay u miisaamaan kooxda ugu haboon iyo dalabka ugu fiican ee ay u qaadi karaan Adrien Rabiot kaas oo hadda go’aan cad ku gaadhay in uu PSG kaga baxo si xor ah.

Maamulka kooxda PSG ayaa hadda ku jira laba daran mid dooro, waxayna haystaan fursada ay bisha January ku aqbali karaan dalabyada lagu doonayo Adrien Rabiot iyo in ay si xor ah ku waayaan mid ka mid ah mustaqbalka kubbada cagta oo uu dhamaadka xili ciyaareedkan ku bixi doono lacag la’aan.

Si kastaba ahaatee, Real Madrid ayaa doonaysa in ay Barcelona kula dagaalanto labada bartilmaameed ee Adrien Rabiot iyo Frenkie de Jong oo isna kooxda Ajax ka tirsan iyada oo muruqyo waynta Spain markale xifiltankooda u wareejin doonaan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.