DAGAAL: Midkee Guulaysan Doona Dadaalada Maamulada Bernabeu & Stamford Bridge? Heshiiska Cusub Ee Eden Hazard Ee Chelsea Iyo Dalabka Real Madrid Oo Isku Dul Dhacsan.

Tababaraha kooxda Chelsea ee Maurizio Sarri ayaa shalay xaqiijiyay in maamulka kooxdiisu ay todobaad kasta wada xaajood kula jiraan xidiga kooxdiisa ee Eden Hazard iyo wakiiladiisa si heshiis cusub looga saxiixo xidiga reer Belgium laakiin waxaa barbar socda war kale oo caasimada Madrid ka soo baxay kaas oo sheegaya in Real Madrid ay heshiis la gaadhay Eden Hazard.

Maamulka kooxda Chelsea ayaa dagaalkii ugu danbeeyay la galaya Real Madrid si ay Eden Hazard ugu qanciyaan in uu saxiixo heshiis waqti dheer ah isla markaana uu sanadkii mushaar ahaan u qaadan doono in ka badan 15 milyan gini isaga oo todobaadkiiba u xaadiri kara 300,000 kun oo gini.

Laakiin sida lagu shaaciyay Onda Madrid, Real Madrid ayaa heshiis la gaadhay Eden Hazard si ay uga hor tagaan in uu saxiixo qandaraaska cusub ee ay maamulka Blues qorshaynayaan todobaadyada soo socda waxayna maamulka Madrid wadaan isku daygii ugu danbeeyay ee ay Hazard ku soo xero galinayaan.

Heshiiska hadda ee Eden hazard ayaa dhacaya 2020 taas oo la micno ah in dhamaadka xili ciyaareedkan marka la soo gaadho in hal sano oo kaliyi uu ka hadhsanaan doono qandaraaskiisa taas oo keeni karta in suuqa xagaaga ay Real Madrid qiimo dhimis ku heli karo saxiixa Hazard sidii Courtois haddii aanu heshiiska cusub saxiixin.

Sidoo kale waxaa warkan lagu sheegay in Real Madrid ay diyaar u tahay in Chelsea ay lacag iyo Kovacic iskugu darto si ay ugu qanciyaan in Eden Hazard uu Bernabeu ku soo biiro. Real Madrid ayaa hore heshiiskii amaahda ahaa ee Kovacic waxay u adeegsatay in ay ku heshay saxiixii goolhaye Courtois.

Real Madrid ayaa doonaysa in ay Chelsea farta ka saarto 170 milyan euros oo lagu daray Kovacic laakiin maamulka Blues ayaa wax walba u samaynaya in ay iska diidaan dalabka Real Madrid si ay Hazard uga saxiixdaan qandaraas cusub.

Real Madrid ayaa markale isticmaalaysa kaadhka Mateo Kovacic si ay qaabkii Courtois oo kale ugu adeegsadaan saxiixa Hazard waxayna maamulka Madrid doonayaan in lacagta iyo Mateo Kovacic ay u goyn karaan saxiixa Hazard.

Mateo Kovacic ayaan doonayn in uu ku soo laabto Real Madrid waxayna taas badalkeeda doonayaan in uu qayb ka noqdo heshiiska ay ku doonayaan saxiixa Hazard balse waxaa lays waydiinayaa midka guulaysan doona heshiiska cusub ee ay Blues Hazard la doonayso iyo isku dayga ay Madrid ku doonayso in ay kaga hortagto.