DAGAAL: Man United, Chelsea Iyo Liverpool Oo Si Buuxda Ugu Dagaalamaya Saxiixa Christian Pulisic Iyo Dortmund Oo Qiimihiisa U Sheegtay.

Waxaa soo dhawaanaya waqtiga uu si rasmi ah u furmi doono suuqa kala iibsiga ciyaartoyda bisha january laakiin haddaba kooxaha Premier League ee Cheslea, Liverpool iyo Manchester United ayaa si toos ah ugu dagaalamay saxiixa xidiga kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic.

Kooxda Chelsea ayaa markii hore u muuqatay in ay ku horayso tartanka loogu jiro saxiixa xidiga xulka qaranka Maraykanka ee Christian Pulisic laakiin maamulka Blues ayaa doonaya in ay wada xaajood ka galaan qiimaha ay Dortmund madaxa Christian Pulisic dul dhigtay.

Liverpool ayaa sidoo kale diyaarsanaysa dalab ay doonayso in ay ka gudbiso Christian Pulisic iyada oo Klopp uu xidigan doonayay waqti dheer laakiin Manchester United ayaa kooxaha Chelsea iyo Liverpool kula soo biirtay loolanka adag ee loogu jiro saxiixa Christian Pulisic.

Kooxda Borussia Dortmund ayaan doonayn in ay wax wada xaajood ah ka gasho qiimaha xidigan oo ay ku sheegtay £70 milyan gini waana qiimaha ay maamulka Chelsea doonayaan in wada xaajood laga galo waxayna tani keenaysaa in kooxaha Premier league ay lacagtan bixiyaan ama ay Dortmund sii haysan doonto Christian Pulisic.

Heshiiska Christian Pulisic ee kooxdiisa Borussia Dortmund waxaa ka hadhsan 18 bilood oo kaliya wuxuuna diyaar u yahay in uu ku biiro kooxaha Premier League balse Dortmund oo tayada Pulisic arkaysa ayaan doonayn in uu si sahlan kooxdeeda kaga baxo.

Christian Pulisic ayaa dhawaan ka hadlay xaalada mustaqbalkiisa waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: “Anigu wali waxaan diirada saarayaa Dormund, xili ciyaareedkan wax fiican ayaanu samaynaynaa. Marka uu yimaado fasaxu (January), taas ayaa ah marka aan sida caadada ah la xaajoon doono Dortmund ee aan arki doono mustaqbalkayaga”.

Sidaa daraadeed, kooxaha Chelsea, Liverpool iyo Manchester United ayaa dhamaantood haysta fursad ay bisha January kula soo wareegi karaan Christian Pulisic haddii ay bixiyaan lacagta ay Dortmund ku qiimaysan oo ah 70 milyan gini oo ayna waxba ka dhinayn.