DAGAAL: Liverpool Oo Ku Soo Biirtay Xidig Ay Barcelona & Real Madrid Waqti Badan Ku Tartamayeen.

Kooxda Liverpool ayaa qayb ka soo noqotay tartanka ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ugu jireen xidiga kooxda Napoli ee Fabian Ruiz.

Muddo dheer ayaa Real Madrid iyo Barcelona lala xidhiidhinayay xidiga aadka loo qiimeeyo ee Fabian Ruiz kaas oo hadda ka tirsan kooxda horyaalka Talyaaniga ee Napoli.

Wargaysyada El Mundo Deportivo iyo Sunday Express  oo ka soo kala baxa dalalka Spain iyo England ayaa qoray in kooxda Liverpool ay Barcelona iyo Real Madrid kula soo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa Fabian Ruiz.

Warkan ayaa lagu sheegay in Liverpool ay €80 milyan yuro kula wareegi karto Fabian Ruiz kaas oo ka mid ah ciyaartoyda ay kooxaha Barcelona iyo Real Madrid qiimaha sare hore ugu doonayeen.

Wargayska Diario AS  ayaa hore u shaaciyay in xagaagii la soo dhaafay ay Real Madrid doonaysay saxiixa Fabian Raiz laakiin kooxda Zidane ayaan marnaba la soo saxiixan xidigan kaas oo 32 kulan xili ciyaareedkan u soo saftay Napoli.

Dhinaca kale Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay saxiixa Fabian Raiz maadaama oo ay kooxda Camp Nou ka dhisani raadinayso xidigihii badali lahaa Ivan Rakitic, Arturo Vidal iyo Sergio Busquets kuwaas oo ku jira xiliyadii waayahooda ciyaareed ugu danbaysay.

Fabian Raiz ayaa markii ugu horaysay looga yeedhay kooxda xulka qaranka Spain ee waa waynka intii lagu jiray bishii June ee sanadkii la soo dhaafay laakiin waxa uu isku soo muujiyay horyaalka Serie A.

Xidiga reer Spain ee Fabian Raiz ayaa sanadkii 2018 kii ku biiray kooxda Napoli isaga oo 30 milyan yuro kaga baxay kooxda Real Betis.