DAGAAL: Barcelona Oo Kooxda Ay Sida Wayn U Xifiltamaan Ee Real Madrid Kula Soo Biirtay Saxiixa Eden Hazard Iyo Xog Hoose Oo Arintan Laga Helay.

Kooxda Real Madrid ayaa waqti dheer isha ku haysay saxiixa kubbad sameeyaha xulka qaranka Belgium iyo kooxda Chelsea ee Eden Hazard kaas oo dhawr jeer si furan uga hadlay in uu diyaar u yahay in uu ka baxo Stamford Bridge inkasta oo uu sidoo kale muujiyay in aanu wax dhibaato ah ku qabin hadii uu kooxdiisa sii joogo oo ay saxiixyo muhiim ah samayso.

Dhawaan Eden Hazard ayaa markale u il jabiyay maamulka kooxda Real Madrid isaga oo sheegay in haddii uu Zidane baxay iyo haddii kaleba ay maaliyada Madrid tahay mid khaas ah. Laakiin waxaa jiray waqtiyo kale oo uu si wayn u amaanay kooxda kale ee Barcelona oo hadda iyaduna si buuxda tartankiisa ugu soo biirtay.

Ilwareed Barcelona laga helay ayaa sheegtay in maamulka Barca ay liiska saxiixyada ay doonayaan meesha ugu saraysa kaga darsadeen Eden Hazard kaas oo sidoo kale la fahansan yahay in uu bartilmaameed wayn u yahay Florentino Perez iyo maamulkiisa Bernabeu.

Barcelona ayaa doonaysay in ay 100 milyan euros kula soo wareegto xidiga ree France iyo kooxda Atletico Madrid ee  Antoine Griezmann laakiin waxa uu go’aan ku gaadhay in uu iska sii joogo Atletico Madrid isaga oo waliba saxiixay qandaraas cusub oo waqti dheer ah waxayna hadda Barca doonaysaa in ay saxiixa Hazard kula tartanto Real Madrid.

Kadib in Barcelona ayna koobka Champions League ku guulaysan tan iyo 2005 kii waxay doonaysaa in ay Eden Hazard iyo Christian Eriksen kooxdeeda ku soo xoojiso si ay ugu guulaysan karto koobka UEFA Champions League oo ay sanadihii ugu danbeeyay si fool xun uga hadhay.

Wargayska Sport oo ilwareed Barca ah wax ka waydiiyay wararka Barcelona la xidhiidhinayay Eden Hazard in uu halka ugu saraysa kaga jiro liiska ay doonayaan ayuu ku jawaabay: ” Oo Haddii aanu Hazard ahayn ayuu noqon lahaa”.

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay ka faa’iidaysato in Eden Hazard aanu ku faraxsanayn kooxdiisa Chelsea isla markaana aanu xili ciyaareedka cusub heli doonin kubbada cagta Yurub ee UEFA Champions League laakiin dagaalka iyo xifiltanka El Clasico ee Madrid iyo Barca ayaa noqon kara mid Hazard lugaha la gala.