Dadku Waxay Ka Hadlaan Alexander Arnold Laakiin Isagu Sida Wan-Bissaka Uma Difaacan Karo, Wan-Bissaka Waa Daafaca Midig Ee Ugu Fiican Premier League!!.

Daafacii hore ee kooxda Manchester United ee Paul Parker ayaa ka hadlay arrimaha saxeexa cusub ee kooxdiisii hore ee Aaron Wan-Bissaka isaga oo ka hor mariyay dhigiisa kooxda Liverpool ee Trent Alexander Arnold.

Alexander Arnold ayaa xilli ciyaareedkii hore wacdarro soo dhigay isaga oo ka qayb noqday shaxdii xilli ciyaareedka ee Premier League isla markaana isku soo muujiyay kooxdiisii booska labaad ka gashay miiska kala sarreynta horyaalka kuna soo guuleysatay UEFA Champions League.

Wan-Bissaka ayaa sidoo kale bandhigo ciyaareed oo ilqabad leh kusoo sameeyay kooxda Crystal Palace taas oo dhalisay inuu 50 Milyan ugu soo wareego Old Trafford.

Aragtida isbar-bardhiga labadan daafaca ayaa tan iyo markaas soo badanaysay, Wan-Bissaka ayay dad badani ku sifeeyaan mid ka difaacasho wanaagsan Arnold halka Arnold uu yahay mid dilaa ku ah kubaddaha weerarka.

Haatan Parker ayaa isla aragtidaas qaba waxaana uu sheegay in dadku ay ka hadlaan daafaca Reds balse uusan isagu awood u lahayn inuu kubadda u difaacdo sida Wan-Bissaka oo uu u arko midka ugu wanaagsan booskiisa.

Paul Parker ayaa yidhi “Anigu marar badan ayaan sheegay, Waan daawaday isaga in badan sanadkii hore, Anigu waan jecalahay waxa uu sameeyo”.

“Dadku waxay ka hadlaan wiilka Liverpool jooga (Alexander Arnold) laakiin isagu uma difaacan karo sida Wan-Bissaka kaas oo difaacashadiisa  iyo boos qaadashadiisu ay tahay mid aad u wanaagsan, Isagu waxa uu doonayaa inuu difaacdo, Wuu jecelyahay difaacashada”

“Markasta oo uu ku guuleystay Taakal (Kulankii Chelsea) shaki kumuu jirin inuu si nadiif ah ugu guuleystay, Waxaad ku fikiraysay inuu halkaas joogay sanado, Anigu isaga waxaan u xukumayaa ka daafac ahaan, Isagu waa daafaca midig ee ugu fiican Premier League”.