DAAWO: Waligood Ma Ilaawi Doonaan Van Dijk & Wijnaldum Waxa Uu Xulkooda Holland Si Layaabka Leh Ugu Sameeyay Kadib Guusii UCL.

Xulka qaranka Netherlands ayaa soo dhawayn layaableh u sameeyay labada xidig ee xulkooda ka tirsan ee dhawaan Liverpool kula soo guulaystay koobka UEFA Champions league ee Georginio Wijnaldum iyo Virgil van Dijk.

Xidigaha xulka Netherlands ee Virgil Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum ayaa kooxda Liverpool ka soo caawiyay in ay ku guulaysatay koobkeedii lixaad ee UEFA Champions League iyaga oo ku soo wada bilawday finalkii UCL ee kulankii Tottenham.

Laakiin Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum ayaan helin waqti badan oo ay ku sii wataan dabaal degii Liverpool waxayna ku biireen ciyaartoyda xulkooda Holland ee isku diyaarinaya afar dhamaadka UEFA Nations League.

Laakiin soo dhawayntii geesinimada lahayd ee ay xulka qaranka Holland u sameeyeen Virgil Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum ayaa noqday mid cajiib ah oo dareenka kubbada cagta soo jiidatay.

Muuqaalka soo dhawaynta ay shaqaalaha tababarka iyo ciyaartoyda xulka qaranka Netherlands u sameeyeen Virgil Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum ayaa noqday mid baraha bulshada ka soo muuqday isla markaana ay warbaahintu wax ka qorayso.

Sida aad muuqaalka ka arki karto shaqaalaha tababarka iyo ciyaartoyda xulka Holland ayaa isku sii taagay isla markaana sacab aan kala joogsi lahayn u garaacay markii ay Georginio Wijnaldum iyo Van Dijk xulkooda la soo midoobeen.

Tababaraha xulka qaranka Holland ee Ronald Koeman ayaa hore xidiga xulkiisa ee Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum waxa uu u rajeeyay ku guulaysiga Champions League isaga oo markaas ka fikirayay in farxadoodu ay sare u qaadi karto xulkiisa inta lagu jiro afar dhamaadka UEFA Nations League.

Laakiin Ronald Koeman iyo ciyaartoyda xulkiisa Holland ayaa halka ugu saraysa ku sharfay Van Dijka iyo Gini Wijnaldum kadib in ay koobka kooxaha Yurub ee Champions League ay ka soo caawiyeen Liverpool..

Ma jirto sharaf ka wayn in ciyaartoy uu soo dhawayn noocan oo kale ah ka helo shaqaalaha iyo ciyaartoyda xulka qarankiisa waxayna labadan xidig heleen sharaftii ugu waynayd ee ay xulkooda ka heli kareen ee guul ay kooxdooda la gaadheen.

Haddaba halkan ka daawo soo dhawaynta ayna waligood Van Dijk iyo Georginio Wijnaldum ayna ilaawi doonin iyo sidii looga yaabsaday.

Tababaraha xulka Holland ee Ronald Koeman ayaa aaminsan in Van Dijk uu u qalmo in sanadkan uu ku guulaysato abaal marinta xidiga aduunka ugu fiican ee Ballon d’Or kadib markii uu soo qaatay xili ciyaareed layaableh.