DAAWO: Waayihiisa Ciyaareed Oo Dhan Ayuu Aduunka Ka Soo Yaabsaday, Haddana Ronaldinho Oo Gool Layaableh & Gool Caawin Cajiib Ah Indhaha Aduunka Ku Xaday.

Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Ronaldinho ayaa wali u muuqda mid markasta oo uu garoon kubbada cagta ah wali aduunka ka yaabsanaya, wuxuuna markale kubbada cagta aduunka xusuusiyay maalmihii layaabka lahaa ee uu garoomada kubbada cagta wacdaraha layaabka leh ka soo sameeyay. Ronaldinho ayaa dalka Mexico kaga qayb galay kulan samafal ah laakiin waxa uu sameeyay ayaa noqday mid cajiib ah.

Ronaldinho oo waqtigiisii ugu fiicnaa ku soo qaatay kooxaha Paris Saint-Germain, Barcelona, AC Milan iyo kooxo kale oo uu maaliiyadooda soo xidhay ayaa sabtidii dalka Mexico kula midoobay saaxiibkiisii Barcelona ee Carles Puyol waxayna ka qayb galeen kulanka u dhexeeyay “Stars of Europe”  iyo “Stars of America” kaas oo ahaa kulan samafal ah.

Laakiin haddii uu Ronaldinho 37 sano jir yahay isla markaana uu ilaa hadda diidan yahay in uu si rasmi ah ugu dhawaaqo in uu ciyaaraha kubbada cagta ka fadhiistay waxa uu muujiyay in uu wali samayn karo wax ayna samayn karin ciyaartoyda da’da ugu fiican ee kubbada cagta ku jiraa kuwaas oo malaayiin lacag ah usbuucii u xaadira.

Ronaldinho ayaa sida aad muuqaalka sare ka arki karto waxa uu gool caawin noocii isaga loo bartay ah u sameeyay Gabriel kaas oo aan qasaarin mid ka mid ah gool caawinta uu xidig kastaa jeclaan lahaa in uu helo wuxuuna Gabriel laftiisu sameeyay dhamaystir layaableh taas oo keentay gool caawin iyo gool dhalin cajiib ah.

Laakiin Ronaldinho ayaa kubbad ku helay meel goolka uu bartilmaameedsanayay u jirtay 40 yards waana goob ku dhawayd kala badhka garoonka laakiin waxa uu il dheer markiiba ku arkay goolhayaha oo soo baxsan wuxuuna tuuray darbo cajiib ah isaga oo goolhayaha iyo cidkasta kaga yaabsaday gool quruxdiisa aad yaabto.

Bandhigii Ronaldinho ee kulanka ay iskaga hor yimaadeen xidigaha Yurub iyo America waxa uu ku dhamaaday babraro 2-2 ah laakiin xidigaha America ayaa rekoodhayaal 5-4 ah ku garaacay dhigooda Yurub ka socday laakiin waxaa hubaal ah in jamaahiirtii kulankan ka soo xaadirtay ay ku raaxaysteen layaabkii uu Ronaldinho kulankan ka sameeyay.
Haddaba halkan ka daawo wacdarihii Ronaldinho iyo wixii uu Sameeyay:

Comments

comments