DAAWO: Waatan Arrinta Ugu Qariibsan Ee Aad Ku Arki Karto Sabtida Horyaalka Bundesliga Marka Kubadda Cagtu Dib U Bilaabanto

Kaddib mudo laba bilood ah oo ay jamaahiirta kubadda cagta caalamku caajis kusoo jireen, ugu dambayn toddobaadkan ayay soo laabanaysaa madadaaladii ciyaaruhu iyadoo horyaalka Germany ee Bundesliga dib loo bilaabayo.

Horyaalka Bundesliga ayaa noqon doona horyaalka ugu horreeya ee shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub dib loo bilaabayo iyadoo ay xusid mudan tahay in Ligue 1-kii France xilli horeba la kansalay koobkiina la siiyay Paris Saint-Germain.

Dabcan horyaalka Bundesliga ayaa laga sugayaa inuu madadaaliyo taageerayaal badan oo ay ku jiraan xataa kuwo aan hore ugu xidhnayn oo aan daawan jirin.

Mid kamida waxyaabaha lagu baran doono toddobaadkan Bundesliga lana filayo in mudo dheer ay kubadda cagtu kusii jiri doonto ayaa ah garoon taageerayaal la’aan ah.

Dabcan kooxda Borussia Monchengladbach ayaa sii samaysay qorshe ay ku samaysan karto arrin ka duwan garoon jamaahiir la’aan ah waxaana ay kuraasta garoonkeeda ku taxday taageerayaal badan oo sawiro ah oo aan xaqiiqo ahayn.

Image

Kulanka ugu xiisaha badan toddobaadkan ayaa la filayaa inuu noqon doono midka Derby-ga ee Borussia Dortmund vs Schalke balse kulanka taageerayaashan lagu arki doono ayaa ah midka fiidka Sabtida dhex maraya Frankfurt iyo Monchengladbach.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkan

 

Sida Ugu Sahlan Ku Hel Wararka Ciyaaraha,Halkan Ka Dajiso App-ka Gool24.net RIIX HALKAAN OO HEL APPKA.

LIKE OUR OFFICIAL FACEBOOK PAGE Gool24 Facebook