DAAWO: Tababare Valverde Oo Ciyaartoyda Kooxdiisa Barcelona Si Buuxda Ugu Bilaabay Tababarka Ay Ugu Diyaar Garoobayaan Kulanka Leganes.

Tababaraha kooxda Barcelona ayaa maant si buuxda ciyaartoyda kooxdiisa dib ugu bilaabay tababarka iyaga oo isku diyaarinaya kulanka Leganes ee horyaalka La Liga. Barcelona ayaa sabtida November 18 booqan doonta kooxda Leganes. Valverde ayaan wali dib u wada helin ciyaartoyda kooxdiisa ee qaramada aduunka looga yeedhay balse waxa uu haystay ciyaartoy uu si buuxda ugu shaqaynayay.

Valverde oo shalay bixiyay qaybtii ugu horaysay ee tababarka kooxdiisa ayaa maanta oo talaado ah si buuxda ugu bilaabay diyaarinta ciyaartoyda uu ku heli karayay xarunta tababarka Camp Tito Vilanova ee ku talaal Ciutat Esportiva Joan Gamper.

Ciyaartoydii maanta sida wayn uga dhex muuqday tababarka kooxda Barcelona waxaa ka mid ahaa Aleix Vidal, Paco Alcácer, Denis Suárez, Gerard Deulofeu, Luis Suárez iyo Arda Turan oo ugu danbayn isku diyaarinaya in uu fursad ka helo Valverde.

Laakiin Lionel Messi oo la filayay in uu maanta tababarka ku soo laabto ayaan ka soo xaadirn xarunta  tababarka ee Camp Tito Vilanova laakiin Sergi Roberto iyo Andre Gomes oo ay dhaawacyo ka soo gaadheen kulankii Olympiakos ee Champions Leaque ayaa si kali-kali ah tababarka u qaadanayay iyaga oo bilaabay in ay soo kabsadaan dhaawacyada ay la maqnaayeen.

Tababare Valverde oo ay wali ka maqan yihiin ciyaartoy muhiim ahi oo ka qayb galaya kulamada caalamiga ah ayaa ciyaartoyda kooxda uu maanta xarunta tababarka kooxdiisa ku soo xoojiyay ciyaartoyda Barca B ee  Aleñá, Arnaiz, Ortolá iyo Varo.

Halkan ka daawo muuqaalka tababarkii maanta ee ciyaartoyda kooxda Barcelona ee ka hor kulanka Leganes:

Comments

comments