DAAWO: Tababare Jugen Klopp Oo Ka Hadlay Xaalada Sadio Mane Iyo In Xulka Waranka Senegal Looga Yeehdhay Kulamada Caalamiga Ah Ee Soo Socda.

Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay xaalada dhaawicii uu Sadio Mane la maqnaa iyada oo macalinka ree Germany wax laga waydiiyay in Sadio Mane lagu soo daray liiska xulka qarankiisa Senegal ee kulamada caalamiga ah ee horaanta bisha soo socda la ciyaari doono. Sadio Mane ayaa qayb ka noqday liiska ciyaartoyda xulka qarankiisa Senegal ee isreeb reebka koobka aduunka la ciyaari doona South Africa taas oo noqotay wax lama filaan ku noqday Liverpool.

Sadio Mane ayuu dhaawac muruqa ahi soo gaadhay intii uu ku jiray waajibaadka xulka qarankiisa ee kulamadii isreeb reebka koobka aduunka isaga oo seegay kulankii Manchester United iyo Maribor ee ay Liverpool soo ciyaartay wuxuuna sidoo kale seegaya kulanka Tottenham iyo waliba kulamada kale ee ka danbeeya.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya xaalada Sadio Mane ayaa yidhi: “Sadio wali wuxuu ku jiraa dib u habayntiisa, taas ayaa ah sida ay tahay. Isagu gudaha ayuu ku jiraa wax jimicsi ahna dibada kumuu samayn. Sidaa ayay waqti xaadirkan xaaladu tahay”.

Klopp oo ka jawaabaya in haddii uu xili hore soo kabsado Sadio Mane ayna iyagu qarin doonin ayaa yidhi: “Haddii uu isagu taam noqdo xili ka horaysa, anigu xaqiiqdii waan faraxsanaan doonaa laakiin waqtigan ma jiro qof ogi. Sidaa daraadeed, ma jirto wax kale oo la sheegaa”.

Jurgen Klopp oo ka hadlaya xulka qaranka Senegal iyo muhiimada ay Sadio Mane u doonayaan ayaa yidhi: “Iyagu waxay leeyihiin kulamo aad muhiim u ah ama ugu yaraan hal kulan, Senegal waxay laba kulan uga baahan tahay hal dhibic si ay koobka aduunka ugu soo baxaan, sidaa daraadeed, anigu waan qiyaasi karaa cadaadiska ay yara dareemayaan”.

Ugu danbayn Klopp ayaa go’aankiisa si cad u sheegay wuxuuna yidhi: “Laakiin anagu xaalada ma badali karno, haddii uu Sadio taam noqdo anagu ma qarin karno, maxay tahay sababta aanu u qarinaynaa? Haddii uu taam noqdo ma jirto wax aanu samayn karaa oo aanu halkan ugu sii hayn karnaa, waa in uu tagi doonaa kooxda qaranka Senegal, taasi waa wax cad, aakiin waqti xaadirkan anigu ma ogi”.

Halkan ka daawo waxyaabihii kale ee uu Klopp kaga hadlay shiriisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Tottenham.

Comments

comments