DAAWO: Sida Gerrad Pique Ayuu Warkiisa Cadaystay, Madax Waynaha Maamulka La Liga Oo Dariiqyada Magaalada Barcelona Kaga Qayb Galay Mudaxaraad Lagu Diidan Yahay Xoriyada Catalonia.

Madax waynaha maamulka La Liga ee Javier Tebas ayaa ka soo dhex muuqday mudaharaadayaal ka soo horjeeda in gobolka catalonia uu ka goosto Spain inteeda kale, iyada oo Javier Tebas uu horeba u cadaystay in aanu raali ka ahayn gobolka Catalonia oo Spain xoriyad ka qaatay. Javier Tebas ayaa sida Gerard Pique uu u cadeeyay in uu taageersan yahay xoriyada Catalonia waxa uu Tebas markiisa banaanka soo dhigay halka ay ka taagan tahay gobolka Catalonia oo xoriyad qaata.

Javier Tebas ayaa horeba balan ugu qaaday in kooxaha Barcelona, Espanyol iyo Girona in ayna ka qayb gali doonin horyaalka La Liga haddii ay Catalonnia kaga dhabayso xoriyada axadii hore ay aftida dadwayne ugu dareereen, laakiin Javier Tebas ayaa lagu arkay isaga oo dadwayne mudaharaadayay dariiqada magaalada Barcelona la lugaynaya isla markaana qayb ka noqday dadka xoriyada Catalonia ka soo horjeeda.

Javier Tebas ayaa horkacayay dadka iskugu soo baxay in ay ka horyimaadaan xoriyada Catalonka wuxuuna qoorta ku soo tuubtay calanka Spain waxaana jiray dad ku heesayay heesta calanka Spain isla markaana muujinayay in ay Spain ka sii mid ahaadaan laakiin dadkan ayaa tiro yar ka ah malaayiinta ree Catalonia ee doonaya in ay Spain ka goostaan.

Kooxaha ree Catalonia ee ay Barcelona iyo Espanyol ugu horeeyaan ayaa taageeray xoriyada Catalonia kadib markii ay si wayn uga cadhoodeen habdhaqankii booliiska Spain iyo dhibaatadii ay ka gaysteen aftidii dadwayne ee axadii hore ka dhacday Catalonia.

Laakiin in madax waynaha La Liga ee Javier Tebas uu hormood ka noqday dadkii ka soo horjeeday xoriyada catalonia ee isku soo baxa sameeyay ayaa muujinaysa sida ay u sii kala fogaan doonaan kooxaha ree Catalonia ee uu eedaynta ugu soo jeediyay halkii ay iska taageen xoriyada Catalonia.

Xidhiidhka Barcelona iyo madax waynaha La Liga ee Tebas ayaa xili ciyaareedkii hore gaadhay halkii ugu hoosaysay kadib markii uu si xun uga hadlay markii ay jamaahiirta Valencia walxo ku soo tuureen ciyaartoyda Barcelona markaas oo uu Messi dhaliyay gool rekoodhe ahaa oo ay xili danbe guul ku gaadheen wuxuuna sheegay in ciyaartoyda Barcelona ayna uba baahnayn in ay goolasha u dabaal degaan.

Halkan Ka Daawo Muuqaal Kooban Oo Muujinaya Tebas Oo Dariiqyada magaalada Barcelona kaga qayb galaya banaan bax la soo agaasimay oo ka dhan ah xoriyada Catalonia.

Comments

comments