DAAWO: Sergio Aguero Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababtii Uu Liverpool U Taageeri Jiray Iyo Hal Ciyaartoy Oo Uu Dhiiro Galin Ka Dhigan Jiray.

Gool dhaliyaha xulka qaranka Argentina iyo kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa taageero khaas ah u soo ahaa kooxda uu hadda Premier league kula xifiltamo ee Liverpool wuxuuna sharaxaad ka bixiyay sababtii uu Liverpool u taageeri jiray isaga oo waliba soo qaaday magaca ciyaartoy uu dhiiro galin ka dhigan jiray.

Sergio Aguero ayaa intii aanu kooxda Atletico Madrid ku biirin waxa uu doonayay in uu Liverpool ku soo biiro si uu uga dhabeeyo riyadiisii carruurnimo ee uu taageeraha ugu ahaa Liverpool balse kooxda Atletico Madrid ayaa ku guulaysatay inkasta oo uu markale Manchester City ugu soo biiray 38 milyan gini.

Sergio Aguero ayaa sheegay in ugu horayn Liverpool ay isku mid ahaayeen kooxdiisii carruurnimo ee Independiente balse waxa uu tilmaamay in Michael Owen uu ahaa xidiga uu dhiiro galinta ka heli jiray ee uu sida gaarka ah ugu sii taageeray Liverpool.

Sida aad muuqaalka hoose ka daawan karto Sergio Aguero ayaa la waydiiyay: ” Markii aad carruurta ahayd, kooxdee kubbada cagta ayaad taageeri jirtay?. Wuxuuna Sergio Aguero ku jawaabay: “Markii aan wiilka ahaa waxaan jeclaa Liverpool FC, sababtoo ah waxaan u ciyaaray Independiente, sidoo kale midabada kooxuhu casaan ayay ahaayeen”.

Laakiin Sergio Aguero ayaa si gaar ah u soo qaatay in Michael Owen uu ahaa xidigii uu dhiiro galinta ka heli jiray wuxuuna yidhi: ” Waqtigaas aniga waxaa i dhiiro galiyay Michael Owen”. Halkan ka daawo muuqaalka Aguero uu su’aashan kaga jawaabayo.

Inta badan ciyaartoyda ayaan isla helin kooxda ay taageeraha dhabta ah u yihiin iyo kooxda ay ka xirfadle ahaan uga shaqaystaan waxaana xili ciyaareedkii hore sidan oo kale waraysi uu bixiyay kooxda uu jeclaa in uu ka ciyaaro ku shaaciyay Kevin De Bruyne kaas oo qirtay in uu ku riyoon jiray ka ciyaarista Anfield.