DAAWO SAWIRRO: Xiddigaha Paris Saint-Germain Oo Soo Gaadhay Magaalada Manchester Kahor Kulanka Man United & Xiddigaha Usoo Safray Kulankan.

Xiddigaha kooxda Paris Saint-Germain ayaa kasoo dagay magaalada Manchester si ay kulan xoogan ula ciyaaraan kooxda Man United oo u muuqata mid si weyn isku bedeshay tan iyo imaatinka tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Kooxda difaacanaysa horyaalka France ayaa kamid ah kooxaha ugu cad cad hanashada Champions League xilli ciyaareedkan balse waxa ay marka hore u baahan doonaan inay kasoo gudbaan wareega 16 dhammaadka gaar ahaan kulanka lugta hore ee habeen dambe.

Iyaga oo baahinaya safarkooda, PSG ayaa sawirada iyo muuqaalada xiddigaheeda diyaar kula ahayd baraha kala duwan ee bulshada si ay markasta u cusboonaysiiyaan xogta ugu dambaysay ee ciyaartoyda.

Shaqsiyaadka soo safray ayuu kamid ahaa goolhayaha halyeeyga ah ee Gianluigi Buffon sidoo kale Marco Verratti oo markii hore shaku ku jiray taam ahaanshihiisa kulankan balse kulankii ugu dambeeyay ee Bordouex 59 daqiiqo kasoo saftay.

Sidoo kale Kylian Mbappe oo safarkan ku jiray ayaa hoggaamin doona kooxda kulanka Old Trafford waxaana laga filayaa inuu awood dheeraad ah kusoo daro kooxda maadaama oo uu maqan yahay Neymar oo inta badan safka hoggaan u ahaa.

Neymar ayaa ka maqnaan doona kulankan kaddib dhaawac kale oo kusoo laabtay isla markaana ka gaadhay cagta waana midka uu haatan ku hawlan yahay kasoo kabashadiisa.

Halkan Ka Daawo Sawwirada Xiddigaha PSG Ee Kulankan:

Marco Verratti (c) was next off, followed by Angel Di Maria (L) who will face his former club

Kylian Mbappe was among the first out of the airport as PSG touched down in Manchester

Young German defender Thilo Kehrer was also snapped by the PSG photographers

French goalkeeper Alphonse Areola blocked out the noise with headphones and headed in

Verratti and Buffon were filmed making their way up the steps to board PSG's aircraft

Legendary 'keeper Gianluigi Buffon was deep in conversation with playmaker Marco Verratti

Mbappe and Moussa Diaby made their way on board together, each carrying small coffees

Mbappe was in high spirits as Paris Saint Germain boarded their flight for Manchester

Manager Thomas Tuchel carries the weight of expectation to get PSG into the next round