DAAWO: Real Madrid Oo Si Rasmi Ah U Soo Bandhigtay Maaliyadaha Cusub Ee Ay Kooxdeedu Marti Iyo Minanba Ku Ciyaari Doonto 2017/18.

Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay maaliyadaha cusub ee ay kooxdeeda kowaad ku ciyaari doonto xili ciyaareedka cusub ee 2017/18 oo iskugu jira garmaanta ay ku ciyaari doonto kulamada Santiago Bernabeu iyo waliba maaliyada ay ku ciyaari doonto kulamada ay martida noqon doonto.

Bakhaarka dharka Real Madrid ee  Gran ayaa haddaba bilaabay in uu iibiyo qalabka sports ee ay soo saartay shirkada Adidas ee maaliyada cusub ee ay kooxda los Blancos ku ciyaari doonto xili ciyaareedka cusub ee 2017/18

Real Madrid ayaa muuqaal kooban oo xayasiin ah ku shaacisay labada maaliyadood ee ay minanka iyo martida ku ciyaari doonto xili ciyaareedka cusub waxayna maaliyadan cusub Real Madrid ku ciyaari doontaa xili ciyaareedka cusub iyada oo ah kooxda difaacanaysa koobabka La Ligaha iyo Champions Leaque-ga.

Zinedine Zidane ayaa sii wadan doona waayihiisa layaabka leh ee Santaigo Bernabeu kadib markii uu muujiyay in uu waqti kooban kaga mid noqotay tababarayaasha aduunka ugu fiican. Florentino Perez ayaa la filayaa in macalinka ree France uu ka saxiixan doono heshiis cusub.

Real Madrid ayaa kulamada ugu horeeya xili ciyaareedka cusub ee 2017/18 ku bilaaban doonta finalka UEFA Super Cupka oo ay Manchester United la ciyaari doonto iyo waliba finalka Spanish Super Cupka oo ay Barcelona la ciyaari doonto waana laba kulan oo ay si fiican ugu diyaar garoobi doonto bilaabashada xili ciyaareedka cusub.

Haddaba jadwalka Real Madrid Ee Ka Hor Xili Ciyaareedka Cusub Oo Dhamaystiran Halkan Kaga Bogo:

July 23: Real Madrd  vs. Manchester United (San Jose)

July 26: Real Madrd vs. Manchester City (Los Angeles)

July 29: Real Madrd vs. FC Barcelona (Miami)

August 2:Real Madrd vs. MLS All-Star XI (Chicago)

August 8:Real Madrd vs. Manchester United (Skopje, Macedonia) UEFA Super Cup

August 12/13: Real Madrd vs FC Barcelona (Spanish Super Cup, marti)

August 15/16: FC Barcelona vs Real Madrd (Spanish Super Cup, Minan)

August 19/20: Bilaabashada horyaalka LaLiga Santander  Ee 2017/18

Comments

comments