DAAWO: Real Madrid Oo Muuqaal Lix Daqiiqo & Badh Ah Ku Xustay Sanadihii Dahabiga Ahaa Ee Cristaino Ronaldo Kooxdeeda Ku Soo Qaatay Iyo Waqtiyada Sida Gaarka Ah Loo Xusay.

Kooxda Real Madrid ayaa ugu danbayn ogolaatay in xidigii kooxdeeda ugu muhiimsanaa sagaalkii sano ee ugu danbeeyay in uu ku biiro kooxda Juventus iyada oo maamulka Madrid ay Cristaino Ronaldo ku ixitraameen go’aankii uu ku gaadhay in uu baxo isla markaana uu Juventus ku biiro laakiin sidoo kale Los Blancos ayaa faa’iido wayn ka heshay bixitaanka Ronaldo iyada oo 100 milyan ku iibisay xidig 33 sano jir ah isla markaana galay marxaladii ugu danbaysay waayihiisa ciyaareed.

Kadib markii uu Cristiano Ronaldo noqday ciyaartoy Juventus ah waxa uu fariin dheer u soo diray maamulka ilaa jamaahiirta kooxdiisa isaga oo dhamaan cid kasta oo kooxda ku xidhan uga mahad celiyay waqtigii fiicnaa ee uu la soo qaatay.

Laakiin Real Madrid ayaa markeeda ka shaqaysay in ay Cristaino Ronaldo ku xusto muuqaal lix daqiiqo iyo badh ah kaas oo lagu soo ururiyay waqtiyo xaasaasi ah oo uu kooxdeeda la soo qaatay taas oo taageere kasta oo Real Madrid ah xusuus fiican ku abuuraysa.

Waxaa muuqaalkan laga soo bilaabay maalintii ugu horaysay ee ay Real Madrid la soo saxiixatay Cristaino Ronaldo ee uu Manchester United kaga soo biiray sanadkii 2009 kii markaas oo ay 96 milyan eruos ka soo bixisay waxaana muuqaalkan qayb ka ah xiliyo Madrid iyo Ronaldo muhiimad wayn u lahaa.

Muuqaalkan waxaa ka mid ah goolal cajiib ah oo uu Ronaldo ka soo dhaliyay waqtiyadii uu Madrid soo joogay oo ay ka mid yihiin goolal uu ka dhaliyay kooxaha ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona iyo Atletico Madrid gaar ahaan waqtiyadii uu Madrid u dhalyiay rekoodhayaashii ay koobabka Champions League kaga qaadeen kooxda Atletico Madrid.

Haddaba akhriste sharaxaad badan inta aanan u galin aan idiin soo gudbiyo muuqaalka lixda daqiiqo iyo badhka ah ee ay Real Madrid ku xustay bixitaankii Ronaldo isla markaana mahad celinta wayn ah halkan ayaanad ka daawan kartaa.

Real Madrid ayaa hadda si buuxda suuqa ugu gali doonta xidiga ay ka dhigan doonto badalka Cristiano Ronaldo kaas oo ay adkaan doonto in si sahlan lagu heli karo. Macalinka cusub ee Real Madrid ee Julen Lopetegui ayaa u baahan doona xidig gool dhaliye buuxa ah oo uu booska Ronaldo ku buuxsan karo.