DAAWO: Real Madrid 3-0 Atletico Madrid- Lionel Messi Oo Los Blancos Ka Caawiyay UEFA Super Cup!!! Siday Sheekadan La Yaabka Lihi Ugu Suurtogashay Shaqsi Isku Day Qariib Ah Sameeyay?

Nolosha dhabta ah waxay u muuqataa wax aan marnaba macquul ahayn in Lionel Messi uu xidhan doono maaliyada cad ee kooxda uu waayihiisa ciyaareed oo dhan la soo xifiltamayay ee Real Madrid, laakiin maxaa dhacay markii uu hal shaqsi isku dayay in booskii uu Cristaino Ronaldo ka baxay ee Real Madrid uu ku soo buuxiyay Lionel Messi ee ay Madrid ka hor timid Atletico Madrid?.

Jamaahiirta aduunka oo dhan ayaa si waali ah u sugaya in shirkada EA Sports ay si rasmi ah u soo saarto ciyaar gacmeeda FIFA 19 taas oo sharciyo adag iyo waliba qawaaniin caalami ah loo dajiyay isla markaana awooda ciyaartoyda lagu saleeyay wax qabadkooda garoonka dhexdiisa.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa min qiimayn 94 ah ku hogaaminaya ciyaartoyda caalamka ee FIFA 19, waxaana la sugayaa in September 28 ay EA Sports si rasmi ah u sii dayso FIFA 19 oo sida aan soo sheegnay si waali ah aduunka looga sugayo.

Laakiin Rich Leigh oo ka mid ah dadka ku waalah ciyaar gacmeeda FIFA isla markaana Youtubeka ku soo bandhiga isbadalada lagu samayn karo ciyaar gacmeeda EA Sports ayay u suurtogashay in Lionel Messi uu kala soo wareegay Barcelona wuxuuna hab muuqaal ah oo cajiib ah ku soo bandhigay lacagtii ay ku qaadatay, mushaarka uu Bernabeu ku keenay Messi iyo waliba wixii dhacay markii uu kulankiisii ugu horeeyay u saftay Real Madrid.

Ugu horayn Youtuber-ka Rich Leigh oo qayb ka ah EA Game Changers ayaa Lionel Messi ugu soo guulaystay saxiix lacageed oo dhan 158 milyan gini inkasta oo wakiilada Barca ay markii hore dalbadeen 180 milyan gini, waxa kale oo sida aad muuqaalka ka daawan doonto ay Messi iyo wakiilkiisu dalbadeen in heshiiskiisa lagu burburin karo £274 milyan gini wuxuuna saxiixay heshiis saddex sano ah.

Rich Leght ayaa sidoo kale ku guulaystay in Lionel Messi uu ku shaqaalaysiiyay isla mushaarka uu todobaadkii hadda ka qaado Barcelona oo ah £500,000 kun oo gini iyada oo qiimaha uu kula soo saxiixday uu ka dhigay xidiga saddexaad ee suuqa dhabta ah aduunka ugu qaalisan.

Lionel Messi ayaa markaas lagu soo bandhigay Bernabeu kadib waxa yimid waqtigii uu kulankiisii ugu horeeyay la ciyaari lahaa Real Madrid wuxuuna noqday kulanka finalka UEFA Super Cup ee dhawaan ay Atletico Madrid ka qaaday Real Madrid balse markan Real Madrid ayaa 3-0 guul ku gaadhay.

Markii uu Messi ka soo muuqday shaxda Madrid ee FIFA 19 waxay Real Madrid qaybtii horeba ee finalka UEFA Super Cup hogaanka ku qabtay 2-0 iyada oo Toni Kroos iyo Luka Modric ay min hal gool dhaliyeen balse markale Messi ayaa sabab u noqtay in Isco uu dhaliyay goolka saddexaad.

Warkani waxa uu mid aad u fiican u yahay qof kasta oo ku waalan ciyaar gacmeeda FIFA 19 isla markaana jecel in uu Real Madrid ku ciyaaro iyada oo haddii ay awood u leeyihiin sida Rich Leght ay booska uu Ronaldo baneeyay ku soo buuxsan karaan Lionel Messi.

Haddaba Halkan Ka Daawo Muuqaalka Cajiibka Ah Ee Rich Leght ka sameeyay Qaabka ay ugu suurtogashay in uu Lionel Messi keensaday kooxdiisa Real Madrid ee FIFA 19 iyo wixii dhacay.

Taageerayaasha kubbada cagta gaar ahaan kuwa ku ciyaara ciyaar gacmeeda ee sida wayn u sugaya FIFA 19 ayaa si wayn u soo dhaweeyay isbadalka layaabka leh ee uu EA Game Changers sameeyeen iyaga oo waliba markiiba ay muuqaalkan daawadeen ku dhawaad toban kun iyada oo waliba la filayo in muuqaalkani uu heli doono daawasho laayableh.

Haddaba akhriste ma ka mid tahay dadka sugaya ku dhawaaqista EA Sports ee FIFA 19, ma jeclaan lahayd in Lionel Messi uu kooxdaada Ultimate Team ka mid noqdo?.