DAAWO: PSG Oo Saxaafada U Soo Bandigtay Xidiga Taariikhda Aduunka Ugu Qaalisan Ee Neymar Jr Iyo Qaabkii Waalida Ahayd Ee Ay Jamiirta PSG Xidigan U Soo Dhaweeyeen.

Kooxda PSG ayaa si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigtay xidiga taariikhda aduunka ugu qaalisan ee Neymar Jr kaas oo maanta soo gaadhay caasimada France ee Paris. Jamaahiirta PSG ayaa sida boqorada u soo dhawaysay xidiga ree Brazil iyaga oo si layaableh iskugu soo baxay kadib markii uu si rasmi ah u noqday ciyaartoy kooxdooda PSG.

Neymar Jr ayaa hoos u dhigay in uu Paris u tagay dhiiro galin lacageed sida ay dad badan oo aduunka ahi aamainsan yihiin wuxuuna xusay in isaga iyo PSG ay wada leeyihiin ujeedo mid ah oo ah hamiga ah in ay tartan cusub wajahaan isla markaana uu doonayo in uu kooxda caawiyo.

Neymar oo ka hadlayay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay ee lagu soo bandhigay ayaa yidhi: “Kooxda iyo anigu waxaanu leenahay hami isku mid ah. Anigu waxaan doonayaa tartan wayn, qalbigayga ayaa go’aankan gaadhay, taas waa sababta aan maanta halkan idiin hor fadhiyo si aan kooxda u caawiyo’.

Wuxuuna Neymar diiday in saamaynta in uu xidig caan ah noqday ay keentay go’aankiisa uu Barcelona kaga baxay ee uu PSG ugu biiray wuxuuna yidhi: “In aan xidig ahay saamayn kumay yeelan go’aankayga, waxaa la itusay aniga oo doonaya in aan helo tartan cusub, wax cusub ayaan raadinayaa, kani waa waxa ay PSG doonayso wayna u qalmaan iyagu”.

Neymar oo ka hadlaya wixii uu ka soo baxay ayaa yidhi: “Anigu waxaan ka soo baxay saaxiibo aad u fiican, laakiin taasi waa kubbada cagta, saaxiibo ayaad ka samaysanaysaa meel kasta oo aad tagto, taasina waa waxa ugu wayn. Waxay ahayd waqtigii ku haboonaa ee aan bixi lahaa sii aan u raadsato wax ka duwan. In aan ahay ciyaartoyga ugu qaalisan ma aha culyas, waan faraxsanahay”.

Neymar oo ciyaartoyda ree Brazil ee PSG jooga ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan la hadlay ciyaartoyda ree Brazil ee PSG jooga, iyagu way ku faraxsanaayeen i aan halkan imaado, haddaba waxaan dareemayaa sidii aan gurigayga joogo”.

Neymar Jr ayaa afar sanadood oo layaableh ku soo qaatay kooxdiisii hore ee Barcelona halkaas oo uu ugu soo guulaystay koobkasta oo ay kooxi ku guulaysan karto laakiin waxaa loo arkay in abaal marinta Ballon d’Or aanu ku guulaysan karin ilaa inta uu ka ciyaarayo koox aanu Messi hadhkiisa ku hoos jirin taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah sababihii uu xidiga ree Brazil uga baxay Camp Nou.

Halka ka daawo muuqaalka qaabkii Neymar ay jamaahiirta PSG u soo dhaweeyeen.

Neymar ayaa sidoo kale u mahad celiyay Pastore kaas oo xidiga ree Brazil u bixiyay isla markaana ugu deegay maaliyada No.10 kooxdiisa PSG ee uu soo xidhanayay wuxuuna xidiga ree Argentina sheegay in uu Neymar lambarkan u sii yay si uu farxad ugu dareemo Paris.

Madax waynaha PSG ayaa si wayn u amaanay Neymar laakiin waxa uu meesha ka saaray in heshiiska Neymar ay Barcelona ugaga aarsanayeen isku daygii ay Marco Verratti ku doonayeen wuxuuna sheegay in uu yahay mid gabi ahaanba ka madax banaan. Wuxuuna muujiyay in Neymar uu taariikh cusub ka samayn doono kooxdiisa.

Comments

comments