DAAWO Oo Ha Qoslin – Xaaska Paul Pogba Ee Maria Zulay Oo Isku Dayday Loolanka “Toilet Paper Challenge” & Sida Ay Wax Yeeshay.

Xaaska xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Paul Pogba oo lagu magacaabo Maria Zulay ayaa markeeda isku day ku samaysay loolanka caanka ka noqday baraha bulshada ee Toilet Paper Challeng ama Loolanka waraaqda musqusha.

Maria Zulay oo ah gabadh kasoo jeeda dalka Bolivia ayaa muuqaalkan kusoo muujisay baraheeda bulshada iyadoo uu Pogba warqada oo duuban kor ugu tuurayo si ay iskugu daydo inay ku ciyaarto.

Maria ayaa marka ugu horreysa kubadda jilibka ku xakamaynaysa waxaana ay intaas kaddib isku dayaysaa inay lugteeda bidix kusoo qabato balse warqada ay laagayso ayaa toos wajigaga ugaga dhacayso wiilkooda yar ee socod baradka ah.

Intaas kaddib Pogba ayaa wajiga qabsanaya isaga oo la yaaban qaabka ay wax u dhaceen halka Zulay ay u dhaqaaqayso dhinaca wiilka yar si ay u dhibaatada ula qaybsato.

Halkan Kaga Boggo Muuqaalka