DAAWO: Muuqaal Maad Ah Oo Laga Sameeyay Sida Ay Liverpool Uga Hadhayso Tartanka Koobka Premier Leaque Iyo Klopp Oo Si Xun Loogu Maadsaday.

Liverpool ayaa haddaba loo arkaa koox quus ka taagan in ay koobka Premier Leaque ku guulaysan karto iyada oo Reds is arkaysa iyada oo 12 dhibcood ka hoosaysa kooxda hogaanka Premier Leaque haysa ee Manchester City iyada oo waliba la soo ciyaaray sagaal kulan oo kaliya. Liverpool ayaa xili ciyaareedkan ku jirta xaalad aad u xun iyada oo markale la kulantay guuldaro ayna jamaahiirta Reds u baran in ay arkaan.

Waxaa haddaba socota dooda ah in Klopp uu quus ka taagan yahay koobka Premier Leaque inkasta oo ay xili hore tahay waxaa qiimayntan lagu salaynayaa difaacashada musiibada ah ee kooxdiisa iyo waliba dhamaystir xumada kooxdiisa haysata.

Haddaba markii ay Tottenham 4-1 ku xasuuqday Liverpool waxaa jiray fariimo aan tiro lahayn oo loogu maadsaday Liverpool laakiin shabakada 90min ayaa barteeda twitterka soo dhigtay muuqaal soo koobaya wax walba oo ay guuldaradii Liverpool soo gaadhay ku keeni karto hamigii ay ka lahaayeen koobka Premier Leaque.

Muuqaalkan ayaa ah Jurgen Klopp oo ka soo dhacaya buur dheer isla markaana qaab qosol ah iskugu dayaya in uu qabsado geedaha yar dar ee buurta ku yaala si uu isku taago laakiin xataa geedaha uu qabsado ayaa u sii go’aya si uu ilaa dhulka hoose ugu soo rog-rogmado waana laga matalay qaabka ay Liverpool miiska kala saraynta Premier Leaque uga soo dhacayso.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka maada ah ee laga sameeyay Klopp ee lagu durayay qaabka liita ee ay Liverpool xili horeba ku seegayso koobka Premier leaque.

Comments

comments