DAAWO: Mid Kamid Ah Shaqaalaha Garoonka Liverpool Ee Anfield Oo Samaynaya Koornadii Taariikhda Gashay Ee Alexander Arnold Ee Kulankii Barcelona.

Kooxda Liverpool ayaa dhawaan soo samaysay wacdarro ay kaga yaabsatay inta badan jamaahiirta kubadda cagta kaddib markii ay qaab farshaxan leh dhinac iskaga mariyeen Barcelona kulan la filayay inay ka hadhi doonaan Champions League.

Barcelona ayaa lugtii hore ee wareega afar dhammaadka Champions League 3-0 kusoo garaacday Barcelona iyadoo hadal haynta ugu weyni ahayd in Lionel Messi uu kasoo dhaliyay laba gool oo uu ku gaadhay goolkiisa 600-aad ee heer kooxeed.

Intaa kaddib Roberto Firmino iyo Mohamed Salah ayaa dhaawacyo gaadheen waxaana la filayay in gabi ahaanba rajadii lugta dambe ee Liverpool ay dhammaatay balse sidaas ayaan dhicin waxaana min laba gool dhaliyay Wijnaldum iyo Origi.

Haddaba, Mid kamid ah waxyaabahii ugu cajiibsanaa ee ka qabsoomay kulankaas ayaa ahayd qaabkii uu Trent Alexander Arnold usoo tuuray koornadii goolkii afraad ee ay guushu ku raacday kooxdiisa.

Arnold ayaa kubadda si deg deg ah u baasay isaga oo aan fursad ay isku habeeyaan siinin xiddigaha Barcelona waxaana si fudud kubadda goolka ku dhex dhigay Origi.

Mid kamid ah shaqaalaha gegida Reds ee Anfield ayaa muuqaal laga duubay isaga oo isku dayaya inuu sameeyo farsamadii Arnold.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka