DAAWO: Maxay Tahay Sababta Uu Garsoorihii Finalkii UEFA Nations League Ee Portugal & Netherlands Uu 15 Maalmood U Ooyay, Ronaldo & Xidig Holland Ka Tirsan Oo Qiiro U Muujiyay.

Garsooraha reer Spain ee Alberto Undiano Mallenco oo dhex dhexaadiyay finalkii UEFA Nations league ee xalay dhex maray xulalka Portugal iyo Netherlands ayaa si qiiro leh u sheegay in uu oohin ku soo dhamaystay 15 kii maalmood ee ugu danbeeyay.

Alberto Undiano Mallenco ayaa soo gaba gabeeyay waayihiisii garsoorahnimo ee uu 30 sanadood ku soo dhex jiray wuxuuna waayihiisa garsoorenimo ku soo xidhay labadii kulan final ee Copa Del Rey iyo UEFA Nations League.

Garsoore Alberto Undiano Mallenco ayaa si muran la’aan ah ku soo dhex dhexaadiyay finaladii Copa Del Rey iyo UEFA Nations League wuxuuna hadda ka sheekeeyay sida maalmo adag ay ugu ahaayeen waqtiyadii ugu danbeeyay oo uu si murugo leh ku macasalaameeyay xidhiidhka kubbada cagta Spain.

Xaflad loo sameeyay hawlganimada garsoore Alberto Undiano Mallenco ayaa noday mid dadka kaga wada qiiraysiisay iyada oo dad badani ay oohinta xejisan kari waayeen sida aad muuqaalka hoose ka daawa karto.

Garsoore Alberto Undiano Mallenco oo dareenkiisa ka hadlayay ayaa yidhi: “Anigu waxaan soo ooyayay 15 kii maalmood ee ugu danbeeyay. Rubiales (Madax waynaha FA-ga Spain) ayaa iga dalbaday in aan sameeyo dadaalka aan halkan ku sii joogi karo, manaan filayn in qoyskaygu ay halkan joogayaan, qarax ayay igu ahayd”.

Garsoore Alberto Undiano Mallenco ayaa muddo 30 sanadood ah garsoorka ku soo dhex jiray laakiin waxa uu 19 kii sanadood ee ugu danbeeyay ku soo qaatay heerka kubbada cagta ugu saraysa oo ah horyaalka La Liga iyo tartamada UEFA ee Yurub.

Waxaa garsoore Alberto Undiano Mallenco la waydiiyay waqtigiisii xusuustiisa ugu mudan wuxuuna watigiisii ugu muhiimsanaa u doortay furitaankii koobkii aduunka ee South Africa 2010 kii.

Alberto Undiano Mallenco oo arimahan ka hadlaya ayaa yidhi: “Dhawrkii kulan ee ugu danbeeyay, finaladii laakiin halka waqti ee aniga ila joogayaa waa ciyaartii furitaanka ee koobkii aduunka ee South Afrika”.

Dhinaca kale garsoore Alberto Undiano Mallenco ayaa soo bandhigay in Cristiano Ronaldo iyo goolhaye Jasper Cillessen ay wanaag u rajeeyeen kadib finalkii UEFA Nations league maadaama oo ay ogaayeen in uu kulankiisii ugu danbeeyay dhex dhexaadiyay.

Garsoore Alberto Undiano Mallenco oo Ronaldo iyo Cillessen ka hadlaya ayaa yidhi: “Ronaldo iyo goolhayaha Hollland  [Jasper Cillessen] ayaa aniga waxa ugi fiican uu rajeeyay, waxay iyagu ogaayeen in uu ahaa kulankaygii guu danbeeyay”.

Halkan ka daawo muuqaalka macasalaamayntii Garsoore Alberto Undiano Mallenco ee xidhiidhka kubbada cagta Spain u sameeyay.

Maamulka horyaalka La Liga iyo xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa xili ciyaareedka soo socda u baahan doona garsoore kale oo buuxin doona doorkii Alberto Undiano Mallenco.