DAAWO: Marka Uu Ciyaaraha Ka Fadhiisto Cristiano Ronaldo Waxa Uu Noqon Doonaa Maadeeye- Daawo Wixii Uu Ronlado Ku Sameeyay Wariya Ka Tirsan Juventus TV.

Cristiano Ronaldo ayaa isku diyaarinaya kulankiisii afraad ee Juventus kadib markii uu ku soo fashilmay in uu wax goolal ah ka dhaliyo kulamadii saddexda ahaa ee uu ilaa hadda ka soo muuqday shaxda kooxdiisa cusub ee Juventus isaga oo min 90 kii daqiiqo ee kulamadii  Chievo, Lazio iyo Parma awoodi waayay in uu dhaliyo goolkiisii ugu horeeyay ee Juventus.

Laakiin taasi lama micno aha in Cristaino Ronaldo aanu faraxsanayn wuxuuna taas ku muujiyay xarunta tababarka kooxdiisa kadib markii uu soo bandhigay xirfad kale oo uu qaban karo marka uu ciyaaraha kubbada cagta ka fadhiisto.

Wariye barnaamij soo saare ka ah TV-ga kooxda Juventus ayaa warbixin ka diyaarinayay xarunta tababarka kooxda waxaana laga duubayay kamarada laakiin si lama filaan ah Cristiano Ronaldo oo qaab qosol iyo maad ah isku ja-jabinaya ayaa wariyaha gadaal ama dhinaca danbe kaga yimid, wuxuuna bilaabay in uu wariyaha ku maadsado.

Cristiano Ronaldo oo wajigiisa farxad laga dareemayay ayaa isku dayay in uu iska dhig dhigo qaabka uu wariyuhu warbixiniinta u diyaarsanayay ee uu xarunta tababarka Juventus xogta uga gudbinayay balse waxaa hubaal ah in wixii uu filayay wax ka sii farxad badan uu ka helay maada uu isaga ka sameeyay Ronaldo.

Jamaahiirta kooxda Juventus ayaa markiiba ka falceliyay qaabka maada ah ee uu xidiga kooxdooda ugu maadsaday barnaamij soo saaraha xarunta tababarka joogay waxayna kala so dhex baxeen sida uu Ronaldo ugu faraxsan yahay in uu kooxdooda ka ciyaaro.

Taageerayaasha Juventus ayaa iswaydiiyay haddii uu Ronaldo markii hore ficiladan oo kale samayn jiray iyo haddii ay tahay farxad dheeraad ah oo uu ku qabo kooxdooda, waxayna qaar ka mid ahi soo qoreen fariimo ay ku sheegayaan in ayna markii hore filayn in muddo kooban ay sidan ugu jeclaan karaan Ronaldo.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka uu Ronaldo ugu maadsaday wariyaha xarunta tababarka kooxdiisa barnaamijka uga diyaarinayay Juventus TV:

Si kastaba ha ahaatee, Cristiano Ronaldo ayaa rajaynaya in uu axada soo afjari doono abaarta gool la’aanta ah ee ku haysatay Serie A marka ay kooxdiisa Juventus soo dhawayso kooxda Sassuolo oo ka mid ah kooxaha xili ciyaareedkan bandhiga fiican soo sameeyay.