DAAWO: Man City Oo Guul Raaxo Leh Ka Soo Gaadhay Newport County, Sky Blues Oo Ka War Sugi Doonta Man United & Chelsea Iyo Phil Foden Oo Laba Gool Dhaliyay.

Manchester City ayaa u soo baxday wareega siddeed dhamaakda tartanka FA Cupka kadib markii ay guul 2-0 ah ka soo gaadheen kooxda yar Newport  County. Inkasta oo kooxda yar ee Newport  County ay xataa ka badisay wixii laga filayay maadaama oo ay Man City gool la’aan ku qabtay 45 kii daqiiqo ee qaybtii hore, haddana kooxda uardiola oo ay ciyaartoy muhiim ahi ku soo bilawdeen ayaa ugu danbayn qaybtii labaad ismari waaga jabiyay.

Leroy Sane ayaa goolka furitaanka u saxiixay Manchester City laakiin da’yarka Phil Foden ayaa laba gool ciyaarta ku dilay isaga oo waliba goolkiisii hore uu ahaa mid uu si shaqsi ah uga shaqeeyay. Riyad Mahrez ayaa dhamaadkii kulankan raaciyay goolka afraad ee ay City kooxdan ku sii niyad jabisay.

Shaxdii Labada Kooxood ee Kulankan:

MANCHESTER CITY (4-3-3): Ederson; Danilo, John Stones, Nicolas Otamendi, Oleksandr Zinchenko; Phil Foden, Fernandinho, David Silva; Riyad Mahrez, Gabriel Jesus, Leroy Sane.

Kaydka: Kyle Walker, Raheem Sterling, Ilkay Gundogan, Aymeric Laporte, Kevin De Bruyne, Bernardo Silva, Arijanet Muric.

NEWPORT COUNTY (3-5-2): Joe Day; Regan Poole, Mickey Demetriou, Mark O’Brien; Robbie Willmott, Scot Bennett, Joss Labadie, Tyreeq Bakinson, Dan Butler; Jamille Matt, Padraig Amond.

Kaydka: David Pipe, Fraser Franks, Matthew Dolan, Keanu Marsh-Brown, Josh Sheehan, Harry McKirdy, Nick Townsend.

Daqiiqadii 51 aad ayuu Leroy Sane kooxdiisa Man Citay ka saaray gool la’aantii lama filaanka ahayd ee ay ciyaarta ugu soo jireen wuxuuna goolka furitaanka ku dhaliyay kubbad ay si fiican iskula soo ciyaareen Gabriel Jesus kaas oo caawinta goolkan loo diwaan galiyay.

Halkan ka daawo Muuqaalka Goolkii Leroy Sane:

Daqiiqadii 75 aad Phil Foden ayaa gool cajiib ah uu si shaqsi ah uga shaqeeyay kooxdiisa Manchester City goolka labaad ugu keenay isaga oo inta uu kubbad ka soo qaatay khadka dhexe la soo dhex galay xerada ganaaxa si sahlan ku garaacay goolhayaha Newport. Waxaana goolkan markale caawintiisa sameeyay Gabriel Jesus.

Halkan ka daawo goolkii kowaad Phil Foden ee FA Cupka:

Daqiiqadii 88 aad kooxda Newport County ayaa heshay goolka ay ciyaarta uga qalmeen maadaama oo ay qaybtii hor heleen fursad layaableh oo ay gool cadaan ah ku heli kareen waxaana goolka calanka u saxiixay P. Amond kaas oo aad halkan hoose ka dawaan karto.

Daqiiqadii 89 aad Phil Foden ayaa ciyaarta ku soo xidhay goolkiisa labaad iyo kan saddexaad ee kooxdiisa Manchester City isaga oo markan dhamaystiray kubbad caawin uu ka helay Leroy Sane oo isna ahaa xidigii goolka furitaanka dhaliyay.

Halkan ka daawo muuqaalka goolkii labaad ee Phil Foden:

Daqiiqadii 94 aad ee dhamaadkii kulankan Riyad Mahrez ayaa dhaliyay goolka afraad ee ay City niyadjabka ugu sii abuurtay kooxda dadaalka badan qaybti hore muujisay ee Newport wuxuuna goolkan ku dhaliyay caawin uu ka helay John Stones.

Manchester City ayaa ugu danbayn ku soo baxday guul 4-1 ah oo ay ka soo gaadhay kooxda yar ee Newport County oo ayna wada ciyaarin wax kulamo ah tan iyo wixii ka danbeeyay 1962 kii markaas oo ay City guul 2-1 ah kooxdan ka gaadhay kulankii EFL Cupka.

1 Comment

Comments are closed.