DAAWO: Madax Waynaha Maraykanka Donald Trump Oo Ay Layaab Ku Noqotay Farsamada Kubadeed Ee Boqorada Afrika Iyo Qoraalkii Uu Kaga Falceliyay Trump

Kubbada cagta waxaa marar badan ku lug yeesha siyaasiyiin ama dad kale oo caan ah siyaabo kale duwan uu dareenkoodu uga helo dhacdooyinka kubbada cagta ee garoomada ama banaanka garoomada, waxaana hadda jirta dhacdo caan noqotay oo uu ku lug yeeshay madax waynaha Maraykanka Donald Trump.

Boqorada kubada baleejada ee Afrika ayaa si weyn loogu wadagayaa baraha bulshada xitaa waxaa ka qeyb qaatay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa bartiisa rasmiga ah ee Twitter waxa uu ku soo wadaagay gabar reer Afrika ah oo dunida kaga yaabsatay farsamadeeda kubadeed ee cajiibka ah.

Trump ayaa kaga falceliyay muuqaalka isagoo ku soo qoray: “Cajiib!”

Muuqaalkaan oo 84 ilbiriqsi ah ayaa waxa ay gabadhaan oo magaceeda lagu sheegay Hadhara Charle Mjeje ay ku soo bandhigeysaa baleejo cajiib ah.

Waxa ay ku bilaabeysaa baleejo caadi ah oo xitaa ka badan intii uu Ousmane Dembele sameeyay markii ay Barcelona soo bandhigeysay sannadii 2017 ka hor inta aysan ku darin kubada madaxa ah oo ay sameyneyso iyadoo istaagsan marna fadhisa.

Muuqaalkaan oo ay Twitter soo dhigtay Sawyerr ayaa noqday mid si weyn loogu wadaagay barta bulshada iyadoo retweet lagu sameeyay in ka badan 115 kun jeer, waxaana jeclaatay 390 kun.

Waxaa haatan la daawaday ku dhawaad 10 miyan jeer oo ku jiro madaxweynaha Mareykanka.