DAAWO: Ma Neymar Jr Ayuu Ismooday? Da’yarka Vinicius Jr Oo Ku Ceeboobay Isku Uu Neymar Iskaga Dhig-Dhigayay.

Marka aad iska dhig-dhigto ciyaartoy magac wayn leh isla markaana hibo wayn u leh kubbada cagta waxaa hubaal ah in aad ceeb ka qaadi karto ficilada aad doonayso in aad ciyaartoygan kaga dayato waxayna arintan ku dhacday da’yarka reer Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Vinicius Jr kaas oo ceeb ka qaaday ku dayasho uu Neymar Jr ku hiigsanayay.

Kadib markii ay Real Madrid kulankii lugtii hore ee Copa Del Rey ay 4-0 ku soo garaacday waxa uu Santiago Solari fursad fasax ah siiyay xidigaha magaca wayn ee kooxdiisa kulankii lugtii labaad ee Copa Del Rey taas oo fursad siisay ciyaartoyda da’yarta ah ee uu Vinicius Jr ka midka ahaa.

Vinicius Jr ayaa Marco Asensio ka caawiyay goolkiisii labaad ee kulankii Mellila wuxuuna ahaa gool caawintiisii shanaad ee uu kooxda kowaad ka sameeyay laakiin waxa uu wajigu la casaaday markii uu isku dayay in uu sameeyo farsamada uu Neymr Jr kaga cadhaysiiyo ciyaartoyda ee uu lugaha ku qaato kubbada.

Laakiin sidoo kale Vinicius Jr ayaa kulankii Melilla ka dhaliyay goolkiisi ugu horeeyay ee kooxda kowaad ee Real Madrid wuxuuna sameeyay bandhig fiican oo raali galiyay taageerayaaha kooxdiisa balse hal arin ayaa isaga waji gabax ku noqotay.

Vinicius Jr ayaa goobta koornaha laga tuurto kubbad ku haystay waxaana cadaadis saarayay laba ciyaartoy oo kooxda Melilla ah laakiin waxa uu go’aansaday in uu iska dhigo Neymar Jr isla markaana uu farsamada lugo kubbad ku qaadka ah uu ku dhaafo labadan ciyaartoy.

Laakiin maxaa dhacay? Vinicius Jr ayaa is arkay isaga oo qaabkii ugu xumayd ugu fashilmay farsamadan isaga oo xataa naftiisa u xishooday isla markaana u adkaysan kari waayay sida xun ee ugu fashilmay isku daygan.

Haddaba halkan ka daawo wixii uu Vinicius Jr sameeyay ee uu ugu fashilmay farsamada Neymar Jr uu dooda badan ku abuuro.

Marka laga reebo fashilka farsamadii Neymar Jr ee uu Vinicius Jr awoodi waayay in uu xataa soo dhaweeyo, waxa uu kulankan ka sameeyay bandhig guud oo fiican kaas oo soo jiitay jamaahiirta kooxdiisa Bernabeu.