DAAWO: Lionel Messi,Andres Iniesta, Neymar JR & 11 Ciyaartoy Oo Ay Ka Mid Yihiin Oo Maanta Xarunta Tababarka Barcelona Kula Midoobay Valverde Iyo Kooxdii Tababarka Sii Qaadanaysay.

Ciyaartoydii ugu muhiimsanayd ee kooxda kowaad ee Barcelona ayaa maanta oo jimce ah dib uga soo laabtay fasixii ay ku maqnaayeen, waxaana kooxdii uu tababare Valverde xarunta tababarka uu ku haystay ku soo biirtay 11 ciyaartoy oo ay ka mid yihiin Lionel Messi, Neymar JR iyo Iniesta. Barcelona ayaa labadii maalmood ee ugu danbeeyay tababarka qaadanaysay laakiin waxaa ka maqnaa ciyaartoy muhiim ah oo sababo kala duwan ku maqnaa.

Lionel Messi, Neymar JR , Arda Turan iyo Gerard Pique ayaa shalay magaalada Tokyo ee dalka Japan kaga qayb galay xafladii daahfurka wada shaqaynta Barcelona iyo shirkada ree Japan ee Rakuten. Markii ay ciyaartoydani soo gaadheen Camp Nou waxay mareen tijaabada caafimaadka ee ciyaartoyda lagu hubiyo xaaladooda caafimaad.

  

Dhinaca kale Barcelona ayaa maanta si rasmi ah u dhamaystirtay heshiiska ay dib ugula soo wareegtay da’yarkeedii hore ee  Gerard Deulofeu kaas oo qalinka ku duugay heshiiska cusub ee uu Barcelona ugu soo laabtay waxaana xafladii bandhigiisa ka soo qayb galay madax waynaha Barcelona ee Bertomeu.

Ciyaartoyda maanta oo jimce ah Barcelona ku soo laabtay ee baadhitaanada caafimaad lagu sameeyay ayaa kala ah Andrés Iniesta, Sergio Busquets, Jordi Alba, Denis Suárez, Lucas Digne, Samuel Umtiti oo dhamaantood ka soo laabtay fasax maalmo dheeraad ah oo laga siiyay in ay bishii June soo ciyaareen kulamo caalami ah.

Waxa kale soo laabtay Lionel Messi, Arda Turan, Neymar JR iyo Gerard Pique oo sidii aan soo xusnay ka soo qayb galay xafladii magaalada Tokyo ka dhacday ee sida rasmiga ah loogu daahfurayay wada shaqaynta Barcelona iyo shirkada  Rakuten.

Dhinaca kale waxaa Barcelona maanta soo gaadhay difaacii midig ee kooxda Benfica ee Nélson Semedo kaas oo marka uu dhamaysto tijaabada caafimaadka ay Barcelona heshiiskiisa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto dhamaystirkiisa.

Ciyaartoyda maanta soo laabtay ee 11 ka ah ayaa qayb ka noqon doona tababarka uu bixin doono Valverde kaas oo ugu danbayn xarunta tababarka ku heli doona ciyaartoyda Barcelona oo dhamaystiran. Barcelona ayaa kadib isku diyaarin doonta safarka ay ugu bixi doonto dalka USA halkaas oo ay kulamo adag ku soo ciyaari doonto.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Markii Ciyaartoyda Barcelona ka Maqanayd Ay Maanta Soo Laabteen iyo Qaabkii Baadhitaanka Caafimaad loogu Sameeyay:

Sidoo kale Halkan Ka Daawo Muqaalka Markii uu Nelson Semedo soo Gaadhay Barcelona:

Comments

comments