DAAWO: Lionel Messi Iyo Xidigihii Xulka Qaranka Spain Koobka Aduunka Uga Qayb Galay Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Xarunta Tababarka Barcelona.

Kooxda Barcelona ayaa maanta xarunta tababarka kooxdeeda dib ugu soo dhawaysay xidigaha muhiimka ka ah shaxda Ernesto Valverde ee Lionel Messi iyo dhamaan xidigihii Barcelona ka tirsanaa ee xulka qaranka Spain ug qayb galay koobka aduunka. Valverde iyo kooxda inteeda kale ayaa ku sugan dalka Maraykanka halkaas oo ay caawa kulan xiiso badan kula ciyaari doonaan AS Roma.

Laakiin Lionel Messi, Gerard Pique, Sergio Busquets iyo Jordi Alba ayaa maanta dib ugu soo laabtay xarunta tababarka ee Ciutat Esportiva Joan Gamper waxayna ugu horayn mareen tijaabada caafimaadka bilawga xili ciyaareedka ay Barcelona mariso dhamaan ciyaartoyda kooxdeeda si xaaladooda loo ogaado.

Barcelona ayaa hadda barteeda twitterka ku shaacisay in Lionel Messi, Pique, Sergio Busquets iyo Jordi Alba ay kooxdeeda ku soo laabteen waxaana fariintan la soo raaciyay sawirada xidigahan oo tijaabada caafimaadka ee bilawga xili ciyaareedka maraya inta ayna shaqada bilaaban.

Sidoo kale Barcelona ayaa barteeda twitterka soo dhigtay muuqaalka xidigaha kooxdeeda ku soo laabtay oo tijaabada caafimaadka maraya inta ayna bilaaban shaqada diyaar garowga xili ciyaareedka cusub.

Ernesto Valverde iyo kooxda inteeda kale ayaa magaalada Barcelona ku soo laaban doonta marka ay soo dhamaystaan kulamada ICC ee US ka socda markaas oo uu xidigaha hadda soo laabtay la midoobi doonaan ciyaartoyda kale isla markaana ay Barca diirada saari doonto finalka Spanish Super Cupka ee dalka Morocco ka qabsoomi doona.

Halkan ka daawo muuqaalka markii ay Messi iyo xidigaha xulka Spain ka soo ciyaaray soo gaadheen kooxdooda iyo tijaabadii caafimaadka ee ay mareen.

Lionel Messi, Gerard Pique, Sergio Busquets iyo Jordi Alba ayaa hore ka bilaabanaya tababarka ay ugu diyaar garoobayaan xili ciyaareedka cusub si ay ugaga soo kabsadaan waqtigii ay fasaxa ku maqnaayeen isla markaana ay si buuxda ugu diyaar garoobaan kulanka finalka Spanish Super Cupka.