DAAWO: Kadib Heshiiskii Cusbaa Ee Ernesto Valverde, Barcelona Oo Soo Xushay SHANTII Kulan Ee Ugu Fiicnaa Waayihiisa Camp Nou-Xasuuqyadii Real Madrid, Sevilla Iyo Tottenham Oo Qayb Ka Ah.

Kooxda Barcelona ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub ka saxiixatay tababaraha kooxdeeda ee Ernesto Valverde wuxuuna heshiiskani meesha ka saaray mugdigii uu mustaqbalka macalinka reer Spain ku soo jiray iyo wararkii xanta ahaa ee sheegayay in dhamaadka xili ciyaareedkan uu baxayo.

Barcelona ayaa si ay ugu dabaal degto heshiiska cusub ee Valverde waxay soo xuleen shan kulan oo lagu sifeeyay shantii kulan ee ugu fiicnaa ee waayihii tababaranimo ee Valverde uu ku soo qaatay Camp Nou waxaana kulamadan ka mid ah kuwo ay Barcelona layaab soo dhigtay.

Shantan kulan ee ay Barcelona waqtiga ugu fiican ku soo hoos qaadatay xiligii tababare Ernesto Valverde ayaa ah kuwo ay natiijooyin cajiib ah iyo bandhig qurux badan sameeyeen waana sababta loogu soo xulay shantii kulan ee ugu fiicnaa ee uu Valverde kooxdiisa Barcelona soo maamulay.

Haddaba shabakada Gool24 ayaa halkan idiinku soo gudbinaysa muuqaalada shanta kulan natiijo ee ay Barcelona u soo xushay in ay yihiin kuwii ugu fiicnaa ee waqtigii Valverde balse haddii adiga ayaa go’aamin kara kulankii ugu fiicnaa ee shantan kulan aad ka soo xuli karto.

Shanta kulan ee ay Barcelona u soo xushay kuwii ugu fiicnaa ee waqtigii Valverde waxay laba kulan ka mid yihiin guulihii waa waynaa ee uu Valverde ka soo gaadhay Real Madrid halka laba kale ay yihiin laba guulood oo layaab lahaa oo ay Barcelona ka gaadhay kooxda Sevilla halka kulanka kale uu yahay kulankii Tottenham ee Champions League.

Haddaba halkan kaga bogo kulan kasta oo shantan kulan ka mid ahi natiijaduu uu ku dhamaaday, tartankii uu ka tirsanaa iyo waliba xidigihii goolasha dhaliyay.

5-Real Madrid 0-3 FC Barcelona (LaLiga, 2017-18)

4-Sevilla 0-5 FC Barcelona (Copa del Rey final, 2017-18)

3-Tottenham 2-4 FC Barcelona (Champions League Group Stage, 2018-19)

2-FC Barcelona 5-1 Real Madrid (LaLiga, 2018-19)

1-FC Barcelona 6-1 Sevilla (Copa del Rey Quarter Finals, 2018-19)