SAADAAL: Daawo Jose Mourinho Oo Si Layaableh U Saadaaliyay 16-ka Xul Qaaran Ee Heerka Groupyada Koobka Aduunka Ka Soo Bixi Doona, Isku Aadka Wareega Xiga Iyo Xulalka Hadhi Doona.

Tababaraha kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si layaableh u saadaaliyay dhamaan 16 ka xul qaran ee kaalinta kowaad iyo labaad kaga soo gudbi doona heerka groupyada Champions League isaga oo sidoo kale xili horeba koobka aduunka ka soo reebay 16 xul qaran isaga oo ku salaynaya awooda ciyaareed, khibrada iyo waliba groupyada ay ku jiraan.

Koobka aduunka ayaa Russia ka furmi doona June 14 markaas oo dhacdada aduunka ugu wayn ee kubbada cagta lagu daah furi doono kulanka Russia vs Saudi Arabia. Mourinho ayaa muujiyay khibrada uu kubbada cagta u leeyahay wuxuuna sheegay in wax aad u adag ay tahay in la saadaaliyo qaramada wareega 16 ka u soo bixi kara.

Laakiin sida aad muuqaalka hoose si buuxda ugaga bogan karto isla markaana aad qoraalka faah faahsan ku arki karto waxa uu Mourinho sheegay in Group A uu kaalinta kowaad kaga soo bixi doono xulka qaranka Uruguay maadaama oo ay khibrad wayn leeyihiin, wuxuuna kaalinta labaad u saadaaliyay marti galiyaasha Russia.

Laakiin Mourinho ayaa saadaaliyay in xulalka Masar iyo Saudi Arabia ay heerka groupyada koobka aduunka ku soo hadhi doonaan. Mourinho ayaa Group B kaalinta kowaad ugu saadaaliyay Spain halka kaalinta labaad uu u saadaaliyay xulka qarankiisa Portugal wuxuuna sheegay in Iran iyo Morocco ay hadhi doonaan.

Macalinka ree Portugal ayaa saadaaliyay in Group C uu kaalinta kowaad kaga soo bixi doono France isla markaana kaalinta labaad ay buuxin karaan Australia halka Peru & Denmark uu sheegay in ay heerka Groupyada ku hadhi doonaan.

Mourinho ayaa Group D kaalinta kowaad ugu saadaaliyay Argentina wuxuuna kaalinta labaad siiyay Nigeria halka Iceland & Croatia uu sheegay in ay koobka aduunka kaga hadhi doonaan heerka groupyada.

Group E, waxa uu Mourinho kaalinta kowaad u saadaaliyay Brazil halka kaalinta labaad uu siiyay Switzerland
laakiin waxa uu sheegay in Serbia & Costa Rica ay macasalaamayn doonaan koobka aduunka.

Mourinho ayaa Group F kaalinta kowaad u saadaaliyay Germanay wuxuuna kaalinta labaad u saadaaliyay Mexico
laakiin waxa uu sheegay in Sweden & South Korea ay koobka aduunka ka soo hadhi doonaan.

Dhinac kale Mourinho ayaa saadaaliyay in xulka qaranka England ay kaalinta kowaad ka gali doonaan Group G isla markaana uu Belgium labaad ku dhamaysan doono halka Tunisia & Panama uu u saadaaliyay in ay xili horeba hadhi doonaan.

Mourinho ayaa xulka qaranka Senegal u saadaaliyay in ay kaalinta kowaad kaga soo bixi doonaan Group H isla arkaana uu kaalinta labaad gali doono Poland laakiin Colombia & Japan waxa uu u saadaaliyay in ay soo hadhi doonaan.

Intaa kadib Mourinho waxa uu saadaaliyay sida uu noqon doono isku aadka wareega 16ka xul qaran ee koobka aduunka kaas oo dhamaadka qormadan aad kaga bogan karto.

Haddaba Akhrista Halkan Si Buuxda Ugaga Bogo Qormada aanu idiinka diyaarinay saadaasha uu Jose Mourinho ku sameeyay heerka groupyada koobka aduunka oo dhamaystiran:

Group A

Kaalinta kowaad – Uruguay
Kaalinta labaad – Russia
Laga Soo Reebayo – Saudi Arabia & Egypt

Group B

Kaalinta kowaad – Spain
Kaalinta labaad – Portugal
Laga Soo Reebayo – Morocco & Iran

Group C

Kaalinta kowaad – France
Kaalinta labaad – Australia
Laga Soo Reebayo – Peru & Denmark

Group D

Kaalinta kowaad – Argentina
Kaalinta labaad – Nigeria
Laga Soo Reebayo – Iceland & Croatia

Group E

Kaalinta kowaad – Brazil
Kaalinta labaad – Switzerland
Laga Soo Reebayo – Serbia & Costa Rica

Group F

Kaalinta kowaad- Germany
Kaalinta labaad – Mexico
Laga Soo Reebayo – Sweden & South Korea

Group G

Kaalinta kowaad – England
Kaalinta labaad – Belgium
Laga Soo Reebayo – Tunisia & Panama

Group H

Kaalinta kowaad – Senegal
Kaalinta labaad – Poland
Laga Soo Reebayo – Colombia & Japan

Haddaba Halkan Kaga Bogo Qaabka Uu Mourinho U Saadaaliyay Isku Aadka Wareega 16ka Xul Qaran Ee Koobka Aduunka

Uruguay vs Portugal

France vs Nigeria

Brazil vs Mexico

England vs Poland

Spain vs Russia

Argentina vs Australia

Germany vs Switzerland

Senegal vs Belgium

Ugu danbayn akhrista halka si buuxda uga daawo muuqaalka cajiibka ah ee uu Jose Mourinho saadaashan ku sameeyay oo dhamaystiran:

Wax la sugaaba waa koobka aduunka oo bilawda iyo in la arko waxa dhici doona, laakiin waxaa la soo gaadhay waqtigii aad markaaga isku dayi lahayd in aad saadaasha samayso, haddii kale aad fikradaada ka dhiibato sida aad u aragto saadaasha Special One ee koobka aduunka.