DAAWO: James Milner Oo Markiisa Soo Xushay Shaxdiisa Abid Ugu Fiican, Shaxdii Emre Can Oo Uu Laba Ciyaartoy Ka Soo Amaahday Iyo Xidigaha Uu Soo Xushay.

Inta lagu jiro kulamada caalamiga ah ayay Liverpool waraysiyo ka qaaday xidigaha kooxdeeda waxayna ku waydiinaysay in ay soo xushaan shaxdooda abid ugu fiican ee ay jeclaan lahaayeen waxaanu hore idiinku soo gudbinay Emre Can oo hab muuqaal ah shaxdiisa ku soo dooranayay iyo waliba shaxdii cajiibka ahayd ee uu soo xushay laakiin markale James Milner ayaa isna muuqaal ay kooxdiisu ka duubtay waxa uu ku soo xushay shaxda kooxdiisa ugu fiican. Haddii ay ku dhaaftay shaxda kooxdii Emre Can halkan ka akhriso. Shaxdii Emre Can.

Xidigii hore ee xulka qaranka England iyo kooxda Liverpool ee James Milner ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican ee kubbada cagta wuxuuna soo doortay koox adag tahay oo ay ku jiraan xidigo magac wayn ku soo yeeshay kubbada cagta laakiin Milner ayaa shaxdii Emre Can ka soo qaatay laba xidig oo ay isku dookh ku noqdeen. Milner ayaa shaxdiisa goolka ugu soo bilaabay goolhayihii ay England iyo Man City ka soo wada ciyaareen ee Joe Hart.

Emre Can ayaa difaaca midig ee shaxda kooxdiisa u doortay Dani Alves kaas oo koox kasta oo uu soo maray ku soo muujiyay saamaynta layaabka leh ee uu ku soo yeeshay isaga oo 34 sano jir ah ayuu wali ka mid yahay difaacyada midig ee ugu fiican. Wuxuuna Milner difaaca bidix ee shaxdiisa uu u soo doortay Ashley Cole oo uu si wayn u amaanay.

Difaaca dhexe ayuu James Milner u soo wada xushay Jonathen Woodgate oo Real Madrid iyo Leeds United ka soo ciyaaray  iyo kabtanka difaaca  dhexe  uga ciyaara Manchester City ee Vincente Kompany. Intaas kadib Milner ayaa shaxdiisa oo qaabka 4-3-3 ah waxa uu khadka dhexe u soo doortay Steven Gerard, David Silva iyo Andres Iniesta isaga oo soo xushay xidigo hibo wayn u leh in ay khadka dhexe si buuxda uga ciyaari karaan.

James Milner ayaa shaxdiisa safka weerarka ugu soo bilaabay Lionel Messi, Sergio Aguero iyo xidiga ilaa hadda rekoodhkiisa gool dhalinta Premier Leaque la gaadhi kari waayay ee Alan Shearer waxayna shaxda James Milner iyo shaxdii Emre Can ka midaysan yihiin in ay Steven Gerard iyo Lionel Messi soo wada qaateen balse dhamaan xidigaha kale way ku kala duwan yihiin.

Haddaba halkan ka daawo muuqaalka uu James Milner ku soo xushay shaxdiisa kooxda ugu fiican iyo qaabka uu mid kasta ugu cudur daaray in uu shaxdiisa qayb ka noqdo:

Comments

comments