DAAWO: Jamaahiirta AC Milan Oo Si Waali Ah U Soo Dhaweeyay Leonardo Bonucci Oo Hadda Milan Soo Gaadhay.

Jamaahiirta kooxda AC Milan ayaan markii hore xataa ku riyoonayn in ay heli karaan saxiixa difaaca dhexe ee xulka qarankooda Italy ee Leonardo Bonucci laakiin maamulka kooxda Milan ayaa aduunka iyo jamaahiirta kooxdooda Milan kaga yaabsatay markii ay Juventus miiska wada xaajoodka la soo fadhiisteen ee ay waliba ku qanciyeen in ay 35.2 milyan gini oo kaliya kula wareegi karaan xidiga khibrada badan leh ee Leonardo Bonucci.

Haddii ay dad badani markii hore rumaysan waayeen sida ay wax kastaaba deg dega ugu socdaan waxa uu hadda Leonardo Bonucci soo gaadhay Milano taas oo keentay in qaab waali ah ay jamaahiirta Milan ugu soo dhaween Leonardo Bonucci kooxdooda.

Leonardo Bonucci ayaa go’aan ku gaadhay in uu u kala gudbo kooxaha ay colaada wayni u dhexayso ee Juventus iyo AC Milan wuxuuna markiiba galay quluubta jamaahiirta AC Milan oo isla ilaaway xifiltankii adkaa ee soo kala dhex maray markii uu Leonardo Bonucci difaacayay maaliyada Juvnetus.

Muuqaalka hoose waxaad kaga bogan kartaa Leonardo Bonucci oo soo gaadhaya Milan iyo jamaahiirta kooxda AC Milan oo qaylo iyo sawaxan wayn isku daraya waxayna ku siganayaan in ay daaqadaha gaadhiga ku jabiyaan si ay sawir uga qaadaan Leonardo Bonucci oo kooxdooda soo cago dhiganaya.

Ciyaartoyda kooxda AC Milan ayaa hadda ka degtay dalka China halkaas oo ay ku soo ciyaari doonaan kulamada xili ciyaareedka ka horeeya wuxuuna Leonardo Bonucci dhawaan noqon doonaa ciyaartoy AC Milan ah marka uu maro tijaabada caafimaadka.

Ka hor intii aanu Leonardo Bonucci soo gaadhin Milan ayay jamaahiirta kooxda AC Milan ku sii sugayeen goobta la filayay in uu ka soo dego waxayna hal mar isla oogsadeen qaylo markii uu ay arkeen gaadhigii Leonardo Bonucci siday oo goobta soo gaadhay.

Leonardo Bonucci ayaa waqti layaableh ku soo qaatay Juventus kadib markii uu si joogto ah ugula soo guulaysanayay koobka horyaalka isla markaana uu door layaableh ku lahaa horumarkii cajiibka ahaa ee ay Juventus soo gaadhay, balse ugu danbayn waxa uu u dhaqaaqay in uu Milan taariikh kale ka samaysto.

Hadba xaalada Leonardo Bonucci iyo heshiiska AC Milan halka uu marayo waxaad kula socon kartaa wararkeena isla marka ay dhacayaan.Halkan ka daawo muuqaalka qaabkii waalada ahayd ee ay jamaahiirta AC Milan u soo dhawaysay markii uu Bonucci soo gaadhay Milano.

Comments

comments