DAAWO: Jahawareerarkii Arsene Wenger Ku Dhacay, Antonio Conte Oo Go’aan Naxariis Leh U Sameeyay Gunners Iyo Waji Gabixii Kulankii Beijing.

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayuu jahawo weerar wayni ku dhacay kadib markii uu qaybtii danbe ee kulankii Chelsea uu isku dayay in uu ciyaarta soo galiyo Olivier Giroud isla markaana uu soo saaro Alexandre Lacazette oo kulankan ku bilawday, waxaana wax lala yaabo noqotay in macalinka ree France  ee Wenger uu Giroud ka ilaaway liiska ciyaartoyda kooxda Arsenal kulankan uga qaybgalaysay.

Waxayna saraakiisha ree China ee kulankan maamulayay ku war heleen Giroud oo garoonka gali lahaa isaga oo liiska ciyaartoyda kaydka Gunners ku jirin. Waxaa jiray isku dhex meeraysi intii la raadinayay xalka iyada oo Giroud laga soo celiyay garoonkii uu gali lahaa.

Alexandre Lacazette oo ciyaarta ka soo baxaya iyo Olivier Giroud oo sii galaya ayay wax walba isbadaleen waxaana dhashay wareerar ah sababta uu Arsene Wenger ciyaarta u soo galinayo xidig aanu xataa liiska ciyaartoyda kaydka aanu ku soo darsan, waxaanaa xaalada soo faro galiyay Antonio Conte kaas oo Arsenal u sameeyay asxaan ah in aanu wax dhib ah u arkin haddii uu Giroud soo galayo.

Markii uu Antonio Conte bixiyay amarka ah in aanu isagu wax dhib ah u arkin haddii uu Olivier Giroud loo ogolaanayo in uu ciyaarta soo galo ayay saraakiisha kulankan maamulayay ayaa xidiga ree France siiyay oglaansho uu ciyaarta ku gali karo inkasta oo aanu qayb ka hayn liisaskii ay labada kooxood soo gudbiyeen.

Laakiin Olivier Giroud ayaan waxba soo kordhin si la mid ah ciyaartoydii kale ee Gunners iyaga oo guuldaro 3:0 ah kala kulmay kooxda Antonio Conte ee Chelsea. Haddaba halkan ka daawo jaho wareerarkii ka dhacay markii Olivier Giroud laga waayay liiska ciyaartoyda kaydka u fadhiday Arsenal iyo qaabkii uu Conte u ogolaaday in uu ciyaaro.

Comments

comments