Daawo Hordhaca UEFA Champions league Ee Xili Ciyaareedka Cusub Oo La Soo Saaray,Gini Wijnaldum, Kylian Mbappe, Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Oo Dhamaantood Qayb Ka Ah.

Xili ciyaareed kastaba waxaa jira muuqaal hordhac ahaan loogu sameeyo tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions league waxaana hadda la shaaciyay nooca muuqaalka ka hor kulamada Champions league shaashada caalamka laga daawan doono.

Jamaahiirta kooxda Liverpool ayaa jeclaystay muuqaalka hordhaca looga dhigay tartanka UEFA Champions league kaas oo noqon doona muuqaalka TV-yada laga baahin doono marka xayasiinta loo samaynayo kulamada Champions leauge ee xiliciyaareedka cusub.

Muuqaalka ayaa sidii horeba looga bartay ku bilaamaya magaca UEFA, musiga caankaah ee UEFA Champions league iyo garoomada waxaana kadib soo baxaya ciyaartoyda loo xushay in ay muuqaalkan qayb ka noqdaan.

Douglas Costa oo burburinaya difaaca Ajax ayaa lagu bilaabay muuqaalka isaga oo kubbada labdiisa lugood ka dhex saaraya waxaana kadib muuqaalka ku jira Lionel Messi, Gini Wijnaldum, Kylian Mbappe, Cristiano Ronaldo iyo xidigo kale oo farsamooyin fiican soo sameeyay.

Laakiin qaybta ugu danbaysa ee muuqaalka lagu soo xidhay ayaa ah qaybta ay taageerayaasha kooxda Liverpool aadka u jeclaysteen maadaama oo Liverpool oo koobka UEFA Champions league sare u qaadaysaa waana muuqaal xili ciyaareedka cusub TV-yada si joogto ah looga baahin doono.

UEFA ayaa maanta samaysay isku aadka isreeb reebka wareega kowaad ee ay kooxo badan u soo gali doonaan lixda kaalmood ee ka banaan heerka groupyada UEFA Champions leauge iyada oo bisha August la samayn doono isku aadka heerka groupyada UCL.

Liverpool iyo Chelsea oo ku soo kala guulaystay Champions League iyo Europa League ayaa isku aadka ku soo gali doona dheriga kowaad ee Pot1 waxayna inta badan kaga badbaadi doonaan in heerka groupyada ay kooxaha waa wayn intooda badan isku aadi karaan.

Halkan ka daawo muuqaalka hordhaca u noqon doona xili ciyaareedka cusub ee UEFA Champions league.