DAAWO: Halyayga Ree Masar Ee Mohamed Aboutrika Oo Wax Gaar Ah Ka Ogaaday Qaabkii Mohamed Salah Uu Argagaxa Ugu Soo Abuuray Marcelo Ka Hor Finalka Champions League.

Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa si wayn ugu diyaar garoobaya kulanka finalka Champions League ee May 26,2018 ka qabsoomi doona caasimada dalka Ukraine ee Keiv. Halyaygii hore ee xulka qaranka Masar isla markaana kabtanka u soo noqday qarankiisa ee Mohamed Aboutrika ayaa soo bandhigay qaabkii uu Mohamed Salah argagaxa ugu soo riday xidiga ay sida tooska ah iskaga hor iman doonaan ee Marcelo.

Mohamed Salah ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan Liverpool ee ay Zidane iyo kooxdiisa Real Madrid u diyaarsan doonaan qorshe ay ku aamusiiyaan, waxaana shaqadan loo diri doonaa difaaca ree Brazil ee Marcelo kaas oo difaaca bidix kaga hor tagi doona Mohamed Salah oo garabka midig ee weerarka Liverpool ugu soo bilaaban doona.

Mohamed Aboutrika ayaa dib u xusuustay wixii soo dhacay markii isaga iyo xulka qarankiisa Masar ay lix sano ka hor Brazil kaga hor yimaadeen London Olympics markaas oo Marcelo iyo Mohamed Salah ay garoonka soo wada galeen kulankii 2012 kii hala markale ay wada ciyaareen sanadkii 2016 kii laakiin markan Marcelo iyo Salah ayaa iskaga hor yimid Real Madrid iyo Roma ee tartanka Champions League.

Mohamed Aboutrika oo ka mid ah ragga kubbada cagta Masar iyo carrabta ugu sumcada badan ayaa hadda khabiir kubbada cagta ah ka ah  beIN Sports MENA, wuxuuna ka hadlay finalka Champions league ee Liverpool iyo Real Madrid gaar ahaan dagaalka dhex mari doona Marcelo iyo Mohamed Salah.

Mohamed Aboutrika ayaa aaminsan in Liverpool ay fursad wayn u haysato in Champions League-ga ay ka qaado Real Madrid wuxuuna yidhi: ” Liverpool waxay fursad wayn u haysataa in ay ku guulaysato Champions League ee kulanka Real Madrid”.

Laakiin Mohamed Aboutrika oo ka hadlaya waxa uu ka xusuusto dagaalkii Marcelo iyo Salah ee kulamadii ay iska horyimaadeen ayaa yidhi: “Waxaan markhaati garoonka kaga ahaa wixii uu Salah ku samay karayay Marcelo intii lagu jiray ciyaarihii Olympic Games-ka. Waxaan Egypy kula ciyaarayay Brazil, Marcelo waxaa argagixiyay Salah”.

Halkan ka daawo muuqaalka kulankii Brazil iyo Masar iyo qaabkii ay Marcelo iyo Mohamed Salah isku wajaheen:

Kulanka uu Mohamed Aboutrika ka hadlay waxa uu ahaa kulankii 2012 kii ee ay Brazil 3-2 ku garaacday Masar laakiin Marcelo waxa uu Mohamed Salah ka joojin waayay in uu shabaqa gaadho isaga oo daqiiqadii 76 aad gool qurux badan dhaliyay, laakiin Salah ayaa markaas Marcelo dhibaato wayn ku abuuray.

Laakiin Mohamed Aboutrika ayaa markale soo qaatay wixii uu ka ogaaday kulankii Real Madrid iyo Roma ee Champions League ee ay markale Mohamed Salah iyo Marcelo isku wajayeen wuxuuna yidhi: “Wax isku mid ah ayaan ka ogaaday Champions League-ga markii ay AS Roma la ciyaartay Real Madrid”.

Marcelo ayaa kulankii Roma aad ugu dhibtoonayay xawaaraha Mohamed Salah waxaana Real Madrid qasab ku noqotay in Sergio Ramos iyo Toni Kroos ay caawin wayn u samaynayeen Marcelo si ay u joojiyaan, laakiin markale Marcelo oo ka mid ah xidigaha Madrid ugu muhiimsan iyo Salah oo doorka ugu wayn loo xambaariyay ee Liverpool ayaa si toos ah isku wajihi doona.

Markale Halkan Ka Daawo kulankii Champoins League Real Madrid iyo Roma ee Marcelo iyo Mohamed Salah ay isaga horyimaadeen ee uu Aboutrika ka hadlay.

Marcelo ayaa leh awood weerar oo aad u fiican taas oo wax badan kaga badalo ciyaaraha kooxdiisa Real Madrid isaga oo culays badan ku abuuray difaaca midig ee kooxda ka soo horjeeda laakiin maadaama oo uu Mohamed Salah yahay xidig aad u dheereeya, Marcelo ayay qasab ku noqon karaa in uu awooda saaro shaqadiisa difaacasho halkii uu awooda weerar ee uu caanka ku yahay uu diirada saari lahaa.