DAAWO: Halyayada Man Unnited Oo Dhigooda Barcelona Ku Dubtay Camp Nou, Xili Ronaldinho Iyo Dwight Yorke Ay Indha Xadeen.

Halyayada Manchester United ayaa awooday in ay guul wayn ku soo gaadhaan Camp Nou kadib markii ay 3:1 ugu awood sheegteen dhigooda Barcelona kulan samafal ahaa oo si wayn loo sugayay. Inkasta oo ay Barcelona u ciyaarayeen halyayo ay ka mid ahaayeen  Ronaldinho, Rivaldo, Edgar Davids iyo Patrick Kluivert haddana waxaa guul raaxo leh Camp Nou ku soo gadhay odayaashii Manchester ka yimid.

Waxaa Manchester Unnited halyayadeeda guushan ku hogaamiyay Blomqvist, Karel Poborsky iyo Dwight Yorke oo gool xusuus leh ka dhaliyay Camp Nou kaas oo waliba soo kiciyay xusuustii finalkii Champions leaque-ga ee sanadkii 1999 kii markaas oo uu gool ku dhaliyay isla garoonkan Camp Nou ee uu goolka cajiibka ah ugu dhaliyay halyayada kooxdiisa Man United.

Blomqvist iyo Poborsky ayaa min hal gool dhaliyay qaybtii hore iyo qaybtii danbe ee kulankan laakiin kabtankii Manchester United ee Dwight Yorke ayaa darbo uu ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa waxa uu ku jamaahiirta Man United ku xusuusiyay sanadkii 1999 kii markaas oo ay Man United saddexda koob kuwada guulaysatay.

Halyayada Barcelona ayaan kulanan u ciyaarin sidii looga bartay waxaana goolka calanka xili danbe udhaliyay Frederic Dehu kaas oo ciyaarta ka dhigay 3:1 ay halyayada Man United guul ku gaadheen laakiin markale labadan halyay ayaa horaanta bisha September ku balansan Old Traffrod.

Inkasta oo ay halyayda Barcelona guuldaro kula kulmeen Camp Nou haddana Ronaldinho ayaa xirfadiisii layaabka lahayd waxa uu ku ceebeeyay halyayga Man United ee Blomqvist kaas oo uu dhulka ugu tuuray kadib markii uu kubbada si xarago leh uu lugihiisa uga dhex saaray wuxuuna ka soo jartay goolkii uu dhaliyay.

Xogtii Kulankan Iyo Qaabkii ay Halyayada Labada Kooxood Ku Ciyaareen:

Barcelona Legends: Angoy (Guzman 72), Nadal (Andersson 46), Belletti (Dehu 33), Edmilson (Amor 67), Goiko (Juan Carlos 72), Mendieta (Popescu 56), Davids (Estebaranz 82), Rivaldo (Carerras 72), Giuly (Kluivert 11), Simao (Ezquerro 46, Salinas 84), Ronaldinho

Goolka Barca: Dehu 90

Ronaldinho ayaa ku guulaystay abaal marinta xidigii garoonka ugu fiicnaa isaga oo markii ugu horaysay Camp Nou ka soo muuqday tan iyo markii uu Barcelona ka baxay isaga oo ciyaartoy inkasta oo uu kulankii El Clasico ee dalalka carabta ka dhigay uu ka soo muuqday Balaugrana.

Tababaraha: Jose Mari Bakero

Manchester United Legends: Van Der Gouw (Pilkington 46), Brown, Johnsen (Martin 53), Silvestre, Park, Poborsky (Thornley 65), Smith, Djordjic (Blackmore 73), Blomqvist (Beardsmore 73), Yorke, Saha (Webber 56)

Goolasha United: Blomqvist 14, Poborsky 57, Yorke 77

Tababaraha: Andy Ritchi

Haddaba Halkan Ka Daawo Dhamaan Goolashii iyo Goos Gooskii Kulankan: