DAAWO: Gerard Pique Oo Qiiro Iyo Cadho Darteed La Ooyay, In Ay Maalintiisii Ugu Xumayd Ahayd Iyo Weerar Uu Ku Qaaday Ra’sal Wasaaraha Spain.

Difaaca kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain ee Gerard Pique ayaa qiiro iyo cadho awgeed la ooyay kadib markii kooxdiisa Barcelona ay ku ciyaartay Camp Nou oo albaabadu u xidhan yihiin isla markaana loo diiday in jamaahiirta Barcelona ay kulankii Las Palmas garoonka soo galaan.

Waxa uu ahaa go’aan ay Barcelona ku kala dooratay laba arimood aad u xun iyada oo loogu hanjabay in ay lix dhibcood lumin doonto haddii ay kulankan suurtogal ka dhigi waydo in la ciyaaro, waxayna taas badalkeeda go’aansaday in halkii jamaahiirta kooxdeedu ay halis gali laahyeen in ay garoonka oo madhan ku ciyaarto.

Barcelona ayaa kiiskan u gudbinaysa xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA iyo waliba xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA maadaama oo iyada oo xaalad nabad galiyo, qalalaase siyaasadeed iyo dhibaato badani jirto lagu qasbay in aan la baajin kulankii Las Palmas wuxuuna maamulka Barcelona sheegay in ay cawaaqib xun keeni doonto.

Gerard Pique oo shir jaraa’id qabtay markii uu soo dhamaaday kulankii Las Palmas ayaa maalintii waayihiisa ciyaareed ee kubbada cagta iyo noloshiisa ku tilmaamay isaga oo oohinta xejisan kari waayay wuxuuna eedayn u soo jeediyay ra’sal wasaaraha Spain ee Mariano Rajoy.

Pique ayaa sidoo kale ku hanjabay in haddii xidhiidhka kubbada cagta Spain ay dareensan yihiin in uu dhibaato ku yahay xulka qaranka Spain kadib markii uu cadaystay xoriyada Catalonia in uu gabi ahaanba iska joojin doono gudashada waajibaadka xulka qaranka Spain.

Kulankii Barcelona iyo Las Palmas ayay si toos ah u samaysay aftidii dadwayne ee Catalonia maanta laga qaadayay iyada oo Las Palmas garoonka Camp Nou la soo gashay iyaga oo xidhan maaliyad laga sameeyay calanka Spain halka Barcelona ay la soo gashay maaliyada laga tolay calanka Catalonia, waxaana jiray jaho wareerarkii ugu xumaa ee muddooyinkan kubbada cagta soo maray.

Gerard Pique oo ka hadlay xulka qaranka Spain ayaa yidhi: “Haddii agaasimayaasha ama xidhiidhka kubbada cagtu ay aaminsan yihiin in aan dhibaato ku ahay ama aan ka cadhaysiiyay kooxda qaranka waxaan rajaynayaa in aan dhinac uga joogsado” ayuu Pique oo ciyaaraha caalamiga ah ka fadhiisan doona kadib koobka aduun ee 2018.

Pique oo qiiraysan ayaa ka hadlay dadka Catalonia ee booliiska Spain ay maanta dhaawacyada 460 ka badan u gaysteen wuxuuna yidhi: “Anigu waxaan u hanwaynahay dadka ree Catalonia, kani waa khibradaydii ugu xumayd” kadib ayuu Pique ilmada xejisan kari waayay.

Pique oo weerar ku qaadaya ra’sal wasaaraha Spain ee Mariano Rajoy ayaa yidhi: ” Ra’sal wasaaruhu waxa uu leeyahay heerka uu yahay isla markaana waxa u aduunka wareegaa isaga oo aan luuqada Ingilishka aqoon”.Halkan ka daawo Pique oo xaalada xun ee ay Catalonia maanta ku jirtay oohinta ka xejsan kari waayay.

Comments

comments