DAAWO Fadeexadan – Dhalin Afrikan Ah Oo Isku Bahaystay Inay Ceebeeyaan Man United & Muuqaal Ay Duubeen Oo Dunida Ku Faafay.

Kooxda Manchester United ayaa la kulmaysa dhibaatooyin banaanka iyo gudaha garoonka labadaba ah waxaana ay haatan muuqaal ceebayn ah ka heleen dhalin African ah kaddib xilli ciyaareedkoodii xumaa ee ay soo qaateen.

Man United ayay xilli ciyaareedkan isku daba mareen labada tababare ee kala ah Jose Mourinho iyo Ole Gunnar Solskjaer balse natiijada kama dambaysta ah ee xilli ciyaareedkooda ayaa noqotay mid qalbi jab ku riday jamaahiirtooda.

Ugu horreynba kooxda ayaa si gaabi ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyadoo uu gadh wadeen ka yahay Jose Mourinho waxaana tababaraha ree Portugal la caydhiyay badhtamihii bishii December.

Markale United ayaa magacawday Solskjaer oo markii hore si KMG ah kooxda u hayay waxaana uu tababaraha ree Norway gabi ahaanba bedelay habkii liitay ee kooxda isaga oo keenay kubad madadaalin leh oo wanaagsan.

Man United iyo Solskjaer ayay dhibtu kusoo laabatay markii tababaraha si rasmi ah gacanta loogu galiyay xilka macalinimo ee kooxda waxaana ay qaabileen kulamo badan oo natiijo liidata ah.

Intaa kaddib kooxda ayaa ka hadhay tartamada FA Cup iyo Champions League waxaana intaas dheer inay ku fashilmeen usoo bixista Champions League ee xilli ciyaareedka dambe iyaga oo booska lixaad ku dhammaystay.

Fahanka Micnaha Muuqaalka

Aan usoo noqono muuqaalkane dhalintan ayuu mid kamid ahi matalayaa mid iibinaya maaliyadaha kooxda iyadoo laga iibsanayo garamaanta kooxo dhawr ah balse gabi ahaanba laga yaacayo marka uu kor usoo qaado maaliyada guduudan ee Man United.

Halkan Ka Daawo Muuqaalkan


 

Be the first to comment

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.