DAAWO: Difaaca Atletico Madrid Ee Juanfran Oo Isku Dayay In Uu Real Madrid Ku Maadsado Iyo Jamaahiirta Los Blancos Oo Isagii Ku Maadsaday.

Kooxda Atletico Madrid ayaa xalay ku guulaysatay koobka labaad ee tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Europa League kadib markii ay Marseille ku dubatay ciida dalkeeda France, waxayna kooxda Diego Simeone u ahayd guul muhiim ah oo ay xili ciyaareedkan gaadheen. Atletico Madrid ayaa sidoo kale xaqiijisatay in ay kaalinta labaad kaga dhamaysanayso horyaalka La liga oo ay xili ciyaareedkan ka sarayn doonto kooxda ay dariska yihiin ee Real Madrid.

Kadib markii ay Atletico Madrid ku guulaysatay koobka europa League, difaaca xulka qaranka Spain ee Juanfran ayaa isku dayay in uu ku maadsado kooxda ay colaada wayni ka dhexayso ee Real Madrid isaga oo xusuusan in horyaalka La Liga ay kaga sareeyaan xili ciyaareedkan isla markaana ay ku soo guulaysteen koobka europa League.

Laakiin ma xusuusataa murugadii Juanfran ee finalkii Champions League ee sanadkii 2016 kii markii uu qasaariyay rekoodhihii ay Real Madrid ku qaaday koobka Champions League? Haddii ayna taasi micno lahayn waxay Real Madrid soo gaadhay finalka Champions league markii saddexaad oo xidhiidh ah iyaga oo koobka Champions League doonaya in ay ku guluaystaan, waana sababta Juanfran loogu maadsaday halkii uu ku heesayay erayo uu Madrid ugu maadsadanayo.

Waxay arintu noqotay maadsade-lagu maadsaday, waxayna markiiba jamaahiirta Real Madrid baraha bulshada ku soo bandhigeen muuqaalka Juanfran oo mikirifoonka ku heesaya erayo uu kooxdooda ugu maadsadanayo waxayna soo raaciyeen erayo iyo qoraalo maad ah.

Aan marka hore soo qaadano erayada uu Juanfran ku heesayay si uu ugu maadsado kooxda ay dariska yihiin ee Real Madrid wuxuuna yidhi: ” Aan u ogolaanayo in ay jamaahiirta Real Madrid ogaadaan cida maamusha caasimada”

Laakiin Rafal oo ka mid ah jamaahiirta Real Madrid oo muuqaalka xidiga ree Spain bartiisa twitterka soo dhigay ayaa erayo adag ku karbaashay Juanfran wuxuuna soo qoray: ” Jaunfran ayaa ku heesay: ‘Aan u ogolaano Vikings(jamaahiirta Real Madrid) in ay ogaadaan cida maamulaysa caasimada”.

Laakiin qoraalkiisa ayuu sii raaciyay: “Kaliya waxaad ku guulaysatay FINALKA EUROPA LEAGUE, waa koob ku yar koox xajmiga Atletico leh. Real Madrid waxay doonaysaa in ay ka ciyaarto FINALKA CHAMPIONS LEAGUE. Juanfran miyaad aragtaa farqiga?”.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka uu Juanfran ugu maadsaday Real Madrid balse ay jamaahiirta Los Blancos dhinaca kale ugu dhigeen ee isagii loogu maadsaday.

Waxyaabaha kale ee ay jamaahiirta Real Madrid u sheegeen Juanfran waxaa ka mid ah in uu ku deg degay dabaal dega iyo maada uu ka sameeyy kooxdooda waxayna xuseen in ay ahayd in uu sugo ilaa May 27 markaas oo ay kala ogaan karaan in Real Madrid laga qaado koobka Champions League iyo in ay ku guulaysato oo uu hadalkani micno samayn karo haddii ayna Madrid koobkan ku guulaysan.

Taageere kale oo Real Madrid ah oo ay ugu qoran tahay IrishMadridista ayaa isna ku sii maadsaday Juanfran wuxuuna soo qoray: “Juanfran oo isku dayaya in uu ku maadsado Real Madrid hahahahaha. Iyagu (Atletico Madrid) waligood waxay u jiraan hadhka ama hooska kooxda aduunka ugu wayn”..

Inkasta oo ay aad u badan yihiin oo aan la soo koobi karin jamaahiirta Madrid ee ka falceliyay erayada Juanfran aan soo qaadano taageere kale oo ay ugu qoran tahay CR7 PAAJI kaas oo sida aad dhinaca sare ku arki karto soo qaatay Marcelo iyo Ronaldo oo qoslaya balse waxa uuu adeegsaday in hadalka Juanfran ay ku qoslayaan maadaama oo uu lumiyay rekoodhihii finalkii UCL ee Milan oo uu Ronaldo kadib dhaliyay rekoodhihii wax go’aamiyay.