DAAWO: Darbiga Garoon Si Xun Ula Dumay Jamaahiirta Kooxda Ree France Ee Lille, Khasaarihii Ka Dhashay Iyo Kulankan Oo La Kansalay.

Kulan ka tirsanaa horyaalka France ee Ligue oo u dhexeeyay kooxaha Amiens iyo Lille ayaa la kansalay kadib markii uu darbi si xun ula dumay jamaahiirta kooxda Lille iyada oo muuqaalada lagu arkayay qayb garoonka ka mid ah oo si xun iskugu rogtay isla markaana dusha kaga dhacday jamaahiirta kooxda Lille taas oo keentay in kulankan xili horeba la kansalay.

Daqiiqadii 15 aad ayay kooxda martida ah ee Lille hogaanka ciyaarta ku qabtay goolka furitaanka kulankan u ahaa laakiin markii ay jamaahiirta Lille bilaabeen in ay ciyaartoyda kooxdooda goolka dhalisay la dabaal degaan waxaa la soo go’ay darbigii garoonka ee ay ku fadhiyeen iyada oo waliba uu dusha kaga soo dhacay markii qaybtii sare ay dhinaca hoose martay.

Wararka ayaa sheegaya in 23 qof ay ku dhaawacmeen dhacdadan iyada oo lix ka mid ah uu soo gaadhay dhaawac halis ahi waxaana dadka laga daad gureeyay burburka hoostiisa iyada oo cisbitaal loola cararay iyada oo kulankii dhex marayay kooxhaa Amiens iyo Lille sidaa lagu kansalay.

Halkan ka daawo qayb muuqaalkan ka mid ah oo muujinaysa halistii waynayd ee ay jamaahiirta Lille galeen iyo qaabkii ay xaaadu ahayd.

Sidoo kale halkan ka daawo qayb kale oo ay kamaradu ka qabtay dhacdadan uu garoonku ugu dumay jamaahiirta kooxda Lille.