DAAWO: Arthur Melo Oo Soo Gaadhay Camp Nou Iyo Waqtiga Saxaafada Loo Soo Bandhigayo Oo La Shaaciyay.

Xidiga ree Brazil ee Arthur Melo ayaa ka soo degay magaalada Barcelona wuxuuna soo gaadhay Camp Nou ka hor inta ayna Barcelona saxaafada u soo bandhigin. Arthur Melo ayaa mari doona tijaabada caafimaadka wuxuuna qalinka ku duugi doonaa qandaraas waqti dheer ah.

Kooxaha Barcelona iyo Gremio ayaa bishii March heshiis ka sii gaadhay iibka Arthur laakiin waxay Barcelona haysatay fursada ay heshiiskan kaga noqon kartay intii ayna dhaqan galin iyada oo taladaadii si rasmi ah ugu dhawaaqday in xidiga ree Brazil uu kooxdeeda ugu soo wareegay 31 milyan euros iyo waliba 9 milyan dheeraad ah oo ku xidhnaan doona waxyaabaha uu Barca la gaadho.

Athur Melo ayaa hadda soo gaadhay Camp Nou wuxuuna fariin u diray jamaahiirta kooxdiisa cusub ee Barcelona isaga oo muuqaal kooban oo la soo dhigay barta twitterka Barca ka soo muuqday waxayna sidoo kale Barcelona shaacisay waqtiga saxaafada loo soo bandhigi doono heshiiksa Arthur.

Barri oo khamiis ah isla markaana ay bisha July 12 tahay ayay maamulka Barcelona u qorsheeyeen in ay noqoto maalintii Arhur waxaana heshiiskiisa Barcelona lagu burburin karaa €400 milyan euros iyada oo maamulka Barca ay wax badan ka barteen heshiiskii Neymar uu PSG ugu biiray.

Athur Melo ayaa noqonaya saxiixii ugu horeeyay ee ay maamulka kooxda Barcelona sameeyeen xagaagan waxaana la filayaa in ay jiri doonaan saxiixyo kale oo muhiim ah iyada oo ay jiraan warar soo baxay oo sheegaya in haddaba kooxaha Barca iyo PSG ay ka heshiiyeen iibka khadka dhexe ee  Adrien Rabiot.

Barcelona ayaa barteeda twitterka ku xaqiijisay in Arthur Melo uu soo gaadhay kooxdeeda waxaana fariin kooban oo sawirkiisa la soo raaciyay lagu yidhi: “Arthur Melo ku soo dhawow Barcelona”.

Athur Melo ayaa dhacay  August 12, 1996, wuxuuna xidiga ree Brazil hibo wayn u leeyahay ka ciyaarista khadka dhexe iyada oo loo arko badalka Andres Iniesta oo kooxda ka baxay dhamaadkii ciyaareedkii hore isaga oo kooxdiisa Gremio ka soo caawiyay in ay ku guulaysatay koobabka Copa do Brasil & the Copa Libertadores.

Arthur ayaa sidoo kale Barcelona u buuxin doona booskii uu Pualinho ka baxay ee dhinaca sharciga ciyaartoyda aan haysan baasaaboorka midowga Yurub wuxuuna Camp Nouk kula midoobi doonaa xidiga xulka qarankiisa Brazil ee Coutinho.

Muuqaalka fariinta uu Athur Melo u diray jamaahiirta kooxdiisa cuusb ee Barcelona halkan ka daawo.

Arthur ayaa jecel in uu ciyaaro kubbad taabasho deg deg ah oo gaaban, wuxuuna awood badan u leeyahay inuu ciyaarta furfuri karo isla markanaa  waxa uu halis ku yahay goolka marka uu xerada ganaaxa ku soo dhawaado isaga oo darbooyin culus ku tuura lugta midig. Si kastaba, barri oo khamiis ah ayaa Athur saxaafada loo soo bandhigi doonaa isaga oo saxaafada ka soo hor muuqan doona.