DAAWO: Imisuu Dadka Dhibayay! 18 Jir Garoonka Ku Dhax Ceebeeyey Lionel Messi

Advertisements

Laacibka reer Japan ee Tekefusa Kubo waxa Sabtidii uu ku laabtay Barcelona isaga oo u ciyaaraya Real Mallorca, laakiin waxa uu kala kulmay arrin lasii filayey oo ahayd in jamaahiirtu ku ooriyaan.

Takefusa Kubo oo Mallorca ay amaah kaga qaadatay Real Madrid ayaa waxa uu muddo kooban ka mid ahaa ciyaaryahannada Barcelona ee kulliyadda da’yarta, laakiin dib ayuu ugu laabtay waddankiisa ka hor intii aanay Real Madrid soo iibsanin.

Laacibkan 18 jirka ah oo kusoo bilowday safka koowaad ee ciyaartii Barcelona ay 5-2 ku khaarajisay Mallorca, waxa uu Kubo sameeyey bandhig cajiib ah oo khadka dhexe iyo baasha midig ah, waxaanu kasbaday in dunidu dareen gaar ah siiyo kaddib markii uu groonka dhexdiisa ku ceebeeyey Lionel Messi.

Kubo iyo Lionel Messi ayaa kubadda ku loollamay garoonka dhexdiisa, waxaana da’yarka reer Japan u suurtogashay in kubadda uu ka dhex saaro labada lugood ee Messi.

Dhacdadan oo ahayd daqiiqaddii 51aad, waxa uu Leo Messi qabsaday dhexda isaga oo dib u eegay Kubo oo kubadda sii wata ka hor intii aan laga qaadanin.

Advertisements

Halkan ka daawo sidii wax u dhaceen:

Advertisements